Quruxley Tamannaah Bhatia Oo Filimkeeda Xiga Ku Matali Doonto Qof Aan Waxba Maqlin Sidoo Kalena Hadli Karin

Bulsha:- Quruxleyda Koonfur Hindiya iyo Bollywood-ka ka dhaxeyso Tamannaah Bhatia ayaa door cusub tijaabin doonto filimkeeda xiga waxayna ku matali doontaa dhagool isku darsaday maqal la’aan iyo hadal la’aan.

Tamannaah Bhatia waxay isku diyaarineysaa soo bandhiga filimkeeda weyn Baahubali 2 oo la daawan doono 28-ka bishan April wixii markaas ka dambeeyo ayay mashruucaan diirada saari doontaa.

Filimkaan doorka dhibka badan Tamannaah ku matali doonto waxaa soo saare ka ah ruug cadaa Vashu Bhagnani waana filim Hindi ah sidoo kalena Prabhudeva ayaa door wacan ku leh.

Tamannaah Bhatia filimkeedii ugu dambeeyay wuxuu ahaa Tutak Tutak Tutiya oo ay sanadkii hore la sameesay Prabhudeva iyo Sonu Sood waxayna ku heshay amaan lixaad leh doorkeedii ay labada waji ku matashay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment