Bulsha:- Manchester City ayaa ku bixin doonto 50 milyan oo ganni si ay ula soo saxiixato daafaca danbeed ka midig ee kooxda Tottenham, ninka lagu magacaabo Kyle Walker waa marka uu furmo suuqa kala iibsiga ee xagaagan soo socdo.
Tottenham iyo England danbeed kooda midig, waa mid kamid ah bartilmaameed yada macalinka kooxda City ninka lagu magacaabo Pep Guardiola, si uu ugu xoojiyo daaficiisa.
Pep ayaa kalsooni ku qabo inuu gacanta ku dhigi doono xidigaan waa sida lagu qoray wargeyska SunSport, Walker ayaa kala hadlay mustaqbalkiisa macalinka kooxda Spurs ninka lagu magacaabo Mauricio Pochettino iyo xiisahaay ay u qabto Kooxda City.
Daafacaan lagu magacaabo Walker ayaa u saxiixay Shan sano oo qandaraas ah kooxdiisa bishii September, isbuucii wuxuu qaataa 75 kun oo ganni.
Pep xidigaan wuxuu ku tilmaamay inuu yahay Roberto Carlos ka cusub, sido kale ninkaan wuxuu ku badali rabaa xidiga da’daa ee lagu magaabo Pablo Zabaleta.
Walker ayaa u ciyaaray kooxdiisa Tottenham 226 kulan halka uu qarankiisa England u ciyaaray 25 kulan.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment