Bulsha:- Majaladda The Sun ee dalka Britain kasoo baxda ayaa sheegeysa in kabtanka Manchester United Wayne Rooney uu si daran khamri u cabay dhawaan taasoo keentay inuu maandoorsamo.
Wayne Rooney ayaa ka yaabsaday dadkii goobtaas lagu sharaabo joogay muddo nus saac ah ayuuna si daran u cabay, 31 sanno jirkaan weerarka uga ciyaara Manchester United ayaase ku dhibtooday inuu lugihiisa uga tago goobtaan. Xiddigaani wuxuu ku ku sugnaa baarkaan oo ku yaalla magaalada Chester, abaare 3am oo habeennimo, xaaskiisa Coleen Rooney ayaana ku maqneyd debadda.
Dhanka kale muuqaallo ay heshay The Sun ayaa muujinaya Rooneey oo ku dhacaya gaaro taksi ah, laba sanno ka hor waxaa la xusuustaa inuu kabtanka Man United iyo xulka England aqoon waayey gurigiisa ka dib markii uu si daran usoo cabay.
Waxaa la fahamsan yahay inay arrintaani dhacday ka hor kulankii Manchester derby inkastoo uu bartiisa Twitter kusoo qoray inuu si wanaagsan isugu diyaariyo kulankaan waase shan saac ka dib markii uu si daran usoo cabay.
Jose Mourinho ayaa xiddigaan oo 300 kun ugu shaqeeya Man United Isbuucii wuxuu dhawr jeer uga digay dabeecaddiisa iyo isticmaalka cabitaannada maanka dooriya. Rooney ayaa shabaqa soo taabtay kulankii Burnley.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment