Bulsha:- Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa aaminsan inuu Diego Costa-ha Chelsea yahay weeraryahanka adduunka ugu wanaagsan waqti xaadirkaan.
Ammaanta Antonio Conte ayaa imaaneysa xilli Chelsea ay ka hor imaaneyso kooxda Everton taasoo heysata weeraryahanka hogaaminaya gooldhalinta horyaalka England Premier League Romelu Lukaku.
Diego Costa ayaa 19 gool ka dhaliyey xilli ciyaareedkaan horyaalka Premier League, haddii aan la xisaabin laheyn seddax ka mid ah goolashiisa, Chelsea waxay haatan ka hooseyn laheyd 15 dhibcood halka ay haatan taagan tahay.
Weeraryahanka reer Belgium Lukaku oo 23 sanno jir ah ayaa waxaa si weyn u doonaya kooxda Chelsea iyadoo ay warbaahintu sheegeysay inay u aragto bedelka xiddiga reer Spain Costa oo 28 sanno jir ah.
“Lukaku waa wiil akhyaar ah oo aad u wanaagsan, laakiin inaga ahaan Chelsea waxaa muhiim u ah Diego, marka laga hadlaayo xilli ciyaareedkaan, wuxuu ahaa midka ciyaaraha natiijadooda go’aaminaayey xilli ciyaareedkaan,” ayuu yiri tababaraha reer Spain.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment