Maxaa Sababo Inay Hurdo Ku Qabato Marka Aad Raashiin Culus Cuntid Xiliga Qadada

Bulsha:- Hadii aad cuntid qado heer sare ah waxaa qasab ah inau hurdo ku qabato sidoo kalena aad la daala dhacdid sidii aad hurdadaas isaga ilaalin laheyd.

Hadaba kaligaa ma tihid inta badan qof walbo oo qado heer sare ah cunno waa qasab inay hurdo qabato sidoo kalena ku dhibtoodo qofkaas sidii uu hurdada isaga celin lahaa.

Balse maxaa sababo inay hurdo ku qabo marka aad raashiis culus cuntid xiliga qadada?

Jawaabta hab cilmi baaris ah ayaa lagu saleeyay waxaana la sheegay ayadoo la sheegay qofka marka uu raashiis culus qaato xiliga qadada in dheecaanka xameetida soo deyneyso xadi ahaan aad u fara badato.

Marka uu dheecaanka jejebiyo raashiinka kugu bato sidoo kalena cunnada hanaanka lagu bur burinaayo waqti qaadaneyso waxaa qasab ah in jirkaaga isagana soo daayo hormonka hurdada keeno.

Kadib hormonka hurdada marka uu jirkaaga soo daayo wuxuu usii gudbinaa maskaxda waana halka ka dhalaneyso in hurdada aadan iska celin karin xiliga qadada marka aad raashiin culus qaadatid.

Quburada seynisyahaniinta waxay sheegeen marka aad raashiin badan cuntid in 60% ilaa 75% tamarta jirkaaga ku jirto loo weecinaayo bur burinta ma jajabinta raashiinka caloosha soo galay.

Sidaa darteed jirkaaga tamartii ama energy-gii uu isku celin lahaa marka loo weeciyo cunto bur burin waxaa qasab ah in daal ku qabto kadibna si toos ah hurdo kuu qabato.


Hadaba waxaa looga fogaan karaa in xiliga qadada hurdo ku qabanin waxaa wanaagsan in cuntada aadan iska badanin, waayo hadii raashiinka aad iska badisid waxaa dhaceyso in tamarta jirkaaga ku jirto badankeeda loo weeciyo bur burinta raashiinka xadka ka badan.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment