Qoraalka Maxaan U Adeegsanaa Inta Badan Asigoo 7% Ka Ah Noocyada Dadka Ku Wada Xariiraan

Bulsha:- Inta badan dadka waxay adeegsadaan qoraal (Text) hadii ay noqon lahey dhanka Mobile-ka ama fariimaha Internet-ka la isugu diro si ay u sameeyaan xariir miro dhal ah.

Bini aadanka siyaabo kala duwan ayay ku wada xariiri karnaa hadana badankeena waxaan jecelnahay inaan fariin qoraaleed dirno halka aan qofka waji ka waji ula kulmi laheyn ama taleefon kala hadli laheyn.

Quburada ku xeel dheer sida xariirka dadka u sameeyeen waxay sheegeen in qoraalka 7% uu ka yahay siyaabaha kala duwan ee loo wada xariiri karo.

58% bini aadanka jirka ayay ku wada xariiraan ayadoo madaxa la ruxaayo, gacmahana siyaabo kala duwan loo adeegsanaayo waana xariirka ugu badan ee noolaha isku fahmi karaan.

Waxaa kusoo xigo 35% bini aadanka hadal ku wada xariiraan inta badana dadka isku luqada ah ayaa wada hadlaan oo wax isla fahmi karaan xiriirkoodana sax sanaan karaa.

Hadaba Qoraalka Muxuu U Noqday Xariirka Aad Ku Kalsoon Tahay Inaan Qof La Sameyn Kartid:

Qoraalka wuxuu kuu bad baadiyaa waqtigaaga marka aad fariin dirtid wey ka sahlan tahay inaad hadashid midaas oo u baahan waqti badan.

Qofka aad ka cabsaneysid oo aan fool ka fool xariir ula sameyn karin qoraalka wuxuu kaa caawin karaa inaad si sahlan danahaaga ugu sheegtid.

Qoraalka wuxuu ku wanaagsan yahay in kaliya lagu abaaro soo bandhigiga danta aad leedahay taasi oo aan waqti badan qofka kale ka lumineyn.

Qoraalka wuxuu kuu keydiyaa tamar/energy badan oo hadalka kaaga lumi lahaa.

Gunaanad, aqriste adiga iska soo qaad qoraal inaad sameyid micnaha inaad fariin qoraaleed dirtid makuu yahay waxa ugu muhiimsan ee aad qof kula xariirtid…………










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment