Bulsha:- Ameesha Patel iyo Tanishaa Mukerji waxay ka siman yihiin in saaxada Bollywood-ka isaga baxeen sidoo kalena sanadihii ugu dambeeyay aysan sameynin aflaan.
Balse Ameesha Patel iyo Tanishaa Mukerji waxay xaakimiin xaasidiin ah ku nooqn doonaan wiilka la wada jecel yahay ee dhalinta Bollywood-ka hogaanka u haayo Tiger Shroff.
Tiger Shroff labo ka mid ah sedexda filim ee uu xidigaan sameeyya guulo wacan ayay gaareen asigoo amaan weyn ku helay bandhigiisii filimada Hero Panti iyo Baaghi hadana wuxuu ku mashquulsan yahay sameynta mashaariic kala duwan.
Warbixin rasmi ah oo ay soo daabacday shabakada SpotBoye ayaa lagu sheegay in Ameesha Patel Iyo Tanishaa Mukerji ay filimka Munna Michaeal ee Tiger Shroff hogaamiye ka yahay muuqaal marti ah ku yeelan doonaan.
Doorka Ameesha Patel Iyo Tanishaa Mukerji wuxuu noqon doonaa inay dhex dhexaadan doonaan cayaarta Dance-ga ee Tiger Shroff u tartamaayo filimka gudihiisa waxayna ku jilayaan labadaan atirisho gudi xaasid ah oo aan asxaan u sameynin dhalinta tartameyso ee Tiger qayb ka yahay.
Ameesha Patel marhore ayay duubtay doorkeeda filimka Munaa Michael sidoo kalena Tanisha oo ah atirishada Kajol walaasheeda ayaa todobaadkaan la duubi doonto muuqaalkeeda Tiger Shroff.
Filimka Munna Michael waxaa la daawan doonaa 7-da bisha July halka Sabbir Khan uu Director ka yahay sidoo kalena Nawazzudin Siddiqui ayaa laadar ka ah halka atirishada Nidhi Agarwal filimkan lagu soo caan bixinaayo.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment