Waa Maxay Arinka Ay Maanta Salman Khan Iyo Priyanka Chopra Ka Siman Yihiin

Bulsha:- Atirishada caanka ah Priyanka Chopra ayaa baraha bulshada hadal heyn ka abuurtay sidoo kalena ficil ay sameesay ayaa noqday in lala bar bar dhigo Mega Star Salman Khan.

Hadaba arinka Salman iyo Priyanka maanta ka wada siman yihiin ayaa noqday hal xirfad oo ay wada leeyihiin midaas oo loo fasirtay in PC wadadii Salman Khan martay.

Wax kale ma ahan Priyanka Chopra ayaa baraha bulshada soo dhigtay sawir ah ayadoo isku badashay sawir sameeye ama qof sawirada gacanta si farshaxan ah u sameyn karto.

Xirfadaan sawirada gacanta laga sameeyo waxaa caan ku ahaan jiray Salman Khan balse maanta xirfadaas waxaa la wadaagtay Priyanka oo iyadana sawir sameeye xeeladeeda sareyso isku badashay.

Priyanka ayaa sheegtay in sawirada gacanta laga sameeyo ka hesho sidoo kalena Hobigeeda yahay sida Salman Khan isagana uu caan ku yahay in Hobigiisa yahay sawir sameynta ayadoo midibada kala duwan ee rinjiga la adeegsanayo.

Dhinaca shaqada Priyanka Chopra waxay ku mashquulsan tahay xayeysiin u sameynta filimkeeda Hollywood-ka ah Baywatch oo la daawan doono 26-ka May 2017.

Mega Star Salman Khan isagana wuxuu ku mashquulsan yahay duubista filimkiisa Tiger Zinda Hai sidoo kalena filimkiisa kale Tubelight wuu diyaarsan yahay waxaana la daawan doonaa 23-ka June 2017.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment