Priyanka Chopra Oo Garaacday Angelina Jolie Balse Beyonce Wey Garaaci Weysay Ayadoo Noqotay Haweeneyda Labaad Ee Aduunka Ugu Qurxoon 2017 (+Video)

Bulsha:- Atirishada Hindiya iyo Bollywood-ka ku faanaan Priyanka Chopra ayaa loo caleemo saaray inay tahay haweeneyda labaad ee sanadkaan 2017 aduunka ugu quruxda badan.

Balse gabadha heesaaga iyo jilaaga ah Beyonce ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday haweeneyda 2017 ugu quruxda badan halka booska sedexaad ay soo gashay Angelina Jolie.

Sida shabakada Buzznet soo daabacday kuna sameesay qiimeynteedii ugu dambeeyay hablaha dunida ugu qurxoon waxaa safka hore kasoo galeen atirishooyin badan oo caan ah sida Michelle Obama, Manuela Arcuri, Blake Lively, Emma Stone, Emma Watson, Angelina Jolie, Gigi Hadid, Margot Robbie iyo kuwo kale.

Inkastoo Priyanka ay loolan la gashay haweenay badan oo iyada ka caansan kana awood badan hadana guul weyn ayay xidigtaan u tahay inay hablaha reer Galbeedka badankooda qiimeyntaan ku garaacdo sidoo kalena ay kaalinta labaad ka gasho haweenka aduunka ugu quruxda badan 2017.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment