Fatima Sana Shaikh Oo Tijaabo Laga Qaaday Si Atariisho Ugu Noqato Filimka Aamir Khan Ee Thugs of Hindostan

Bulsha:- Aamir Khan filimkiisa xiga waa Thugs of Hindostan waana mashruuc weyn laakiin Filimkaan ayaa ilaa hada loo raadinaaya atariishada sameyn laheyd.

Waxaana loola xariiriyay Atariishooyinka Alia Bhatt, Shraddha Kapoor Kriti Sanon Fatima Sana Shaikh iyo Sara Ali Khan ugu danbeyn waxaa filimkaan la hadal haaya in atariisho ka noqan doonto Fatima oo sanadkii hore kusoo caan baxday filimka Dangal ee Aamir Khan gabadhiisa ku matalaysay.

Atariishadaan ayaana laga soo bandhigay sawir si qarsooni ah loo soo xaday waana tijaabo atariishadaan laga qaaday si ay atariisho ugu noqoto filimka Thugs of Hindostan laakiin ilaa hada lama xaqiijinin in filimkaan atariisho ka noqan doonto.



Fatima ayaa sawirka si geesi ah u gashay iyadoo qaab ahaan u eg qof dagaal yahaan ah seefna wey wadataa Hadii Fatima filimkaan loo magacaabo mar kale ayay sameyn doona filim weyn oo hogaamiye ka yihiin Aamir Khan Iyo Amitabh Bachchan.














Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment