Maxaad Ka Taqaanaa Astaamaha Ninka Baariga Ah Ee Dumarka Soomaalidu Ku Riyoodaan In Ay Mar Uun Helaan Qalinkii Fanax Fariid

Bulsha:- Waa hubaal inay haweeneey walbaa leedahay dooqeeda gaarka ah iyo astaamo, dhaqamo iyo dabeecado ay doorbidi laheyd inuu lahaado seyga ay nolosheeda u hibeyn laheyd ama u hibeysay.

Hadaba ayadoo lakala dooq duwan yahay, ayaa hadana laga siman yahay rabitaanka wanaaga, waxaana jira astaamo aan halkan ku xusi doono oo muujinaya in ay yihiin kuwa dumarka Soomaalidu ay ka siman yihiin, marka aad la sheekeysato ama u kuur gashana aad ogaaneyso in marwo kastaa ka maqsuudi laheyd hadii astaamahan uu ku wada sifoobi lahaa seygeedu, walow ay wax mustaxiil u dhow dahay..

Hadaba dumarka Soomaalidu waxey ku riyoodaan ninka astaamahan hoose ku sifooba ee Raggoow u roonaada dumarka oo talooyinkaan qaata.

1- U kafaala qaad marwadaada nolol sharaf leh.

2- Ula dhaqan inay tahay walaashaa, xaaskaada, iyo saaxiibtaa oo kale.

3- ixtiraam oo qadari, sidaad adigu jeclaan laheyd inay kuu ixtiraamto.

4- La tasho, oo kaligaa ha amar ku taagleyn..!

5- Sii fursad ay kuugu cabirto ra’yigeeda.

6-Xifdi karaamadeeda iyo cadhfigeeda.

7-Sii xaqeeda ay kugu leedahay, isuna miisaan waqtiga shaqada iyo kan guriga.

8-Xiriiri qaraabadeeda sida aad u jeceshahay inay u xiriiriso qaraabadada

9-Ka fogow inaad wax ka sheegto shaqadeeda guriga, qaabkeeda, ama cunada ay kuu keentay

10-Ha isku dayin wax walboy dalbato inaad ka diido isku day inaad u samayso dalabaadkeeda waxa aad awoodo .

11-Haku mana sheegan/ Ha u abaal sheegan..

12-Haku qasbin inay samayso wax aysan awoodin.

13- Ha usheegin cid ayada ka wanagsan ama horteeda haku amaanin dumarkale.
14-Ha xaqirin hana dulaynin.

15- Haku handadin inaad mid kale laguursanyso ama aad fureyso.

16- Ku saacid inay barato xaqa fahantana diinteeda .


Marka aad latimaado wanaaga waxaan shaki ku jirin in ehelkuna la imaanayo wanaag












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment