Bulsha:- Nin ayaa bartiisa Facebook si toos ah u soo dhigay isagoo dilaya Gabadhiisa oo aan sannad jirsanin halka isagana uu markii dambe isdilay.
Boliska dalka Thailand ayaa sheegay in Ninkaasi uu sawir isaga qaaday isagoo dilayo gabadhiisa oo 11-bilood jir, ka hor inta uusan is-dilin.
Ninka dilka geystay oo lagu magacaabi jirey Wutisan Wongtalay ayaa la arkayey isagoo gabadhisia yar xarig qoorta kga xiray, kadibna ka soo lalminayo Saqafka guri aan la deganayn oo ku yaalla Degmadda loo dalxiiso tago ee Phuket.
Dhinaca kale, Sarkaal u hadlay Boliska dalkaasi ayaa sheegay in maydka ninkaasi laga dhinac helay maydka gabadhiisa, inkastoo uusan Facebook toos u soo dhigin qaabkii uu isku dilay.
Afhayeen u hadlay Shirkadda Facebook ayaa sheegay inay ka naxeen dilkaasi, waxayna xuseen inay Hawada ka saareen dilkaasi foosha xun.
Isbuucii hore, Shirkadda Facebook ayaa sheegtay inay dib-u-eegayso sidii loo ilaalayn lahaa muuqaaladda dilalka ee la soo dhigay Barta Facebook.
Bartamihii bishan, Nin lagu magacaabo Steve Stephens oo deggan Gobalka Ohio ee dalka Maraykanka waxa uu si Toos Facebook-iisa u soo dhigay isagoo tooganayo qof jidka marayey.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment