Bulsha:- Varun Dhawan iyo Alia Bhatt marwalbo oo ay wada shaqeeyaan hadal heyn xoogan ayay abuuraan waana laba guusha u saaxiib ah, balse waxaa la sheegay in dhawaanahan aysan wada shaqeyn doonin.
Varun iyo Alia sedexda filim oo ay isla sameeyeen waa kuwo wada guuleesteen Student Of The Year, Humpty Sharma Ki Dulhania iyo Badrinath Ki Dulhania oo siweyn loo jecel yahay sheeko ahaan iyo bandhiga ay shaashada ka muujiyeen.
Warbixin cusub ayaa lagu sheegay in Varun Dhawan haatan ku mashquulsan yahay filimka Judwaa 2 oo ay la jilayaan Taapsee Pannu iyo Jacqueline Fernandez kadibna filimo kale ayuu sameyn doonaa oo aysan Alia isla sameyn doonin.
Sidoo kale Alia Bhatt dhawaan waxay ka hawl gali doontaa filimka Dragon oo ay Ranbir Kapoor la jileyso kadib waxaa u xigi doono filimka Gully Boy oo ay Ranveer Singh la jileyso waxaana ugu sii xigi doono filimka Aashique 3 oo ay Siddharth Malhotra la jileyso.
Sidaa darteed Varun iyo Alia Bhatt oo 5-sano ee ugu dambeesay sedex filim hirgaleen isla jileen waxay u badan tahay in sedexda nagu soo fool leh aysan wax mashruuc ah wada sameyn doonin.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment