DAAWO SAWIRRO: Dowladda Shiinaha oo ka farxisay shacabka Soomaliyeed Uguna deeqday..

Bulsha:- Dowladda Shiinaha ayaa lacag dhan 10 Milyan oo dollar oo loogu tala galay dadka ay Abaaruhu saameeyeen ee ku sugan Soomaaliya waxa ay ku wareejisay Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP.

Lacagtaan ayaa loogu tala galay in lagu iibiyo Cuntooyin iyo sidoo kale dawooyin loogu tala dadka dhibaateysan.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo hortagga Musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa u mahadcelisay dowladda Shiinaha oo lacagtaan ku wareejisay Hay’adda WFP.

Waxa ay sheegtay in lacagtaan lagu soo gadi doono waxyaabo muhiim u ah dadka ay Abaaruhu saameeyeen.

Maryan Qaasim Axmed ayaa sidoo kale tilmaamay in Hay’adda WFP ay doonayso in ay diwaan geliso Shan boqol kun oo qoys oo ,kuwaa soo la doonaayo in la siiyo Karaar si bil kaste loogu shubo boqol dollar.
Dhankale Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya n ayaa sheegay in ay laba jibaari doonaan gurmadka ay siinayaan dadka Soomaaliyeed.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment