Xaasaska Saraakiisha Al-Shabaab iyo Carruurtooda oo Amar Deg deg ah la dul dhigay

Bulsha:- Taliska Booliska Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta waxaa uu soo saaray Amar ku socda Xaasaska iyo Carruurta ay dhaleen Saraakiisha iyo Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Booliska K/galbeed Mahad C/raxmaan ayaa ku amray Xaasaska ay qabaan Saraakiisha iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ee kusugan deegaanada Maamulkaasi in ay iska diiwaan giliyaan xarumaha Ciidanka Booliska.

Waxaa uu inta raaciyay Hadii aysan iska diiwaan gelineynin Saldhigyada Booliska Ee Gobolka iyo Kan degmada Baydhao ay isaga baxaan dhamaan dhulka koofur Galbeed ay maamulaan oo ay ugu horeyso Magaalada Baydhabo.

Taliyaha ayaa sheegay in ay wadaan qorshe amniga wax looga qabanaayo loona baahan yahay in la ogaado dadka al-shabaab ka jooga deegaanada Koofur Galbeed waxa uuna ku amray in ay si deg deg ah iska diiwaan giliyaan Xarumaha Ciidanka ama ay guuraan.

Deegaanada Maamulka Koofur Galbeed ayaa la aaminsan in ay ku nool caruur ay dhaleen Xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo xaasaska ay qabaan waana markii ugu horeysay ee Koofur Galbeed go’aan ka gaarto dadkaasi.

Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee Gobolka Gedo ayaa saakay waxaa ay shaaca ka qaadeen In ay gacanta ku hayaan Carruur ay dhaleen Odayaal dhaqameed La saftay Ururka Al-Shabaab kuwaas oo ku sugan qeybo ka mid ah Gobolkaas.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment