Jaceylkii Samir Dhaafay, Iyo Inankii Deeqo Luula Laga Aroosay “Qiso Xanuun Badan”..

Bulsha:- Maalmo kahor ayuunbay ahayd markii uu u soo bandhigay dareenkiisa kalgacal ee muddaba ka dhex guuxaayay. In ku siman sannado ayuu la baaxaa dagaayay xanuun hoose oo gubaayay, waxaa uu dhex galgalanaayay badwayn caashaq oo dareen iyo damqasho badan, waxaa uu in badan isku qabtaa in uu soo bandhigo xanuunka gubaaya duleedka qalbigiisa iyo oogada jidhkiisa.

Hase ahaatee, masuuroobin oo waxaa uu awoodi waayay in uu soo bandhigo oo uu daaha ka faydo si loola dareemo oo wax loola qabto. Ogoobeey ma uu garan sababta ka hor taagan sheegashada iyo caddaynta, diir ka qaadista iyo daah ka rogga dareenka jacayl ee qalbigiisa ragaadshay.

Waxaa uu ku noolyahay oo uu niyadda ku dhistaa kolba araggeeda oo uu meelaha ka halacsado, marmarna waxa uu booqdaa goobaha shaqo iyo wax barasho ee ay kolba ku sugantahay.

Waxaa ay ahayd barqo arooryaad, jawigu ma xuma oo waa mid daggan, oo dareen iyo diirannaan wata. Waxaa uu fadhiyaa maqaaxi shaaha laga cabo, oo ay da’yartu iskugu timaado.

Waxaa loo soo dhigay koob shaaha oo uu markaasuun dalbaday, intii aanu fidhiqba ka siin ayaa uu soo dul is taagay wiil ay saaxiib yihiin, bariido dabadeed waxa uu u ku yidhi hadal aanu ka filayn: “Saaxiib ma ogtahay in la guursaday Deeqa Luuladii sheedda kaaga mehersanayd”.

Intii uu qabay boogaha jacayl ee bar tilmaameedka ka dhigtay badhtanka wadnihiisa, ayay noqotay oori nin kale!.
Tani waa naasiib darro ay sababtay qarsashadiisii dareen ee ku oognayd. Haddana kama quusan ee qiyaastii qaddarkii jacaylka ayaa qummanaan qalbigiisa ugu qoomay.

Illayn dhulku kulama go’o, war laguu sheegaa kala wacan oo kala xanuun badan, kani waxa uu ku noqday xanuun wata riddo culus oo mar qudha Hig ku yidhi qalbigiisa. Tanina waa yaabe hadalkani waxa uu sii xoojiyay haddana oo uu dhidibbada u sii qoday jacaylkii uu u qabay Deeqa-Luula Mar qudha ayaa halkii laga filaayay war celin iyo hadal quusasho ah, uu ku tiiraan yooday oo ku taahay midhaha heestan oo kamida hees uu qaado fannaanka Xasan Waddo.
Inkastooy ay

Ayaan Ayaan
Aqal yeelatooy
Ubaddana dhashooy
Tahay oori kale
Anigoo og soon
kama aamusee
Waa amar Alleee
Waxa ka soo wareegtay barqadaas xilliyo iyo wakhtiyo dheer oo sannado ah, waxa uu u safray waddan kale oo uu ka suudalay baradii Hargaysa ee uu ku hano qaaday Deeqa-Luula darteed. Ammuuraha Allaa watee Deeqa- Luula iyo saygeedii ay is calafsadeen nasiib iskuma yeelan oo durbadiiba waa kala tageen, guurkooduna ma sii waarin.
Dharaaruhu kala wanagsan, tani waa mid ka nasiib baddan barqadii uu fadhiyay maqaaxida ee warka dhiillada iyo dhiig wareeggu ka muuqdo loogu keenay, waxaa uu soo galay war is gaadhsiinnada casriga ah kuwooda ugu danbeeyay waa mid loo yaqaan Waji-buug.
(Facebook) haddii uu furay oo uu dul kaduudsadayba waxaa silama filaan ah ay ishiisu ugu dhacday Qalanjo luula oo soo galisay qoraal uu ku saxeexan yahay magaceedu oo sheegaaya in ay dareemayso farxad.
Illayn waa nin la hayo oo aan marna laga maqnayne farxaddaa ka war doon buu is yidhi. Deeqa-Luula oo uu hore ugu dhici waayay la hadalkeeda ayuu maanta rabaa in uu la hadlo. Indhaha isku qabay oo la hadal, waxoogaa ah dabadeed haddii la is xog waraystay barasho cusub iyo isa soo dhawayna la isla qaatay waa lakala hulleelay. Isaga waa farxaddiisii koowaad, waxaa uu maanta la hadlay Deeqa Luula oo uu gashaantinnimadeedii uu calfan waayay awooddiisuna u saamixi wayday in uu habbeen qudha iska warran walaal-na waa dane yidhaahdo.
Kulanno danbe ayaa la iskugu soo noqday waxa la sii amba qaaday sheekadii iyo waraysigii koobnaa ee la isku xaal ogaanaayay uun, ma oga oo wali waxa uu u haystaa inay tahay Oori kale, sidii guurkeeda loogu sheegay war kama helin, wuxuunbuu u qabaa in ay tahay xaas nin. Waxa uu waydiiyay uun isaga oo aan aad ugu calool samayn ninkeedi oo ku yidhi: “Odaygaagii ka waran”? Iyada oo aan isba dhibin ayuunbay ku tidhi: “Walaal wuu wanaagsanaa markii iigu danbaysay, hadda war kama hayo oo waa hore ayaanu kala tagnaye”
Yaah! Yaah! Si ay ku jirto farxadi haddana dareen soo kicin ah ayuunbuu haddana u waydiiyay: “oo imika ma bilaa oday baad tahay? Oo waad fasaxan tahay”?

Waxay ugu war celisay: “Haa walaal hadda waan fasaxanahay”.
Alloow meel aan rabay roob ma iigu da’ay inta uu yidhi ayuu go’aan ku gaadhay in aanu fursadan iska khasaarin sidii uu tii hore iskaga lumiyay oo kale. Waxa uu bilaabay hadal dheer oo uu ku soo bandhigaayo kagana warramaayo waayihiisii jacayl ee uu u soo maray iyo heerka uu ka taagan yahay, waxa uu hadal ku soo gunaanaday:“Gashaanti oo aad ahaaato, garoobnimadaada iyo gabawgaaguba waa ii gudboon yihiin”

Deeqa Luulaa oo ah qof u dhalatay garasho dheer iyo dagganaan markii ay dhuuxday erayada ka soo burqanaaya afkiisa ee si toosa uga soo baxaaya qalbiga iyo wadnaha jidhkiisa waxa ay garawsatay in ay jacaylka abaabintiisa u hawlgasho oo aanay mar danbe qaadhinin.

Haddii la is af gartay oo kalgacayl iyo farxad la qaybsado heshiis lagu ahaaday, ayuunbuu go’aansaday si lama filaan ah in uu baxo oo uu gaadho halka ay ku nooshay si uu u arko oo uu uga midhaliyo jacaylkii muddada dheer uu la soo jiitamay. Waxaa uu ku ogaa baradii Hargaysa haatan se waa qurbo joog. Taasaana dhalisay in uu badda cagaha saaro gaadhisteeda awgeed.
Deeqa Luula waxa haya war wer iyo walbahaar, ma hayso warkiisa oo walaacbay la weetaamaysaa. Waxa ay dareentay jacayl uu ka kasbaday muddooyinkii koobnaa ee ay wada hadleen, waxa ay ka qoomamootaa oo ay nafteeda ku canaanataa mooganaanta iyo ogaansho la’aanta ay marna dareemi wayday jacaylka baaxaddan la eg ee loo qabay.
Ayaamuhu kala bilan oo kala samaan roon, wax ay werwer sanaato oo ay warkiisa naawisho niyaddana dajisato oo tidhaa mar uun baad arki oo aad maqli, ayuunbuu galab khamiisaad war farxad le soo gaadhay Deeqa Luula oo meel yaab la kuduuda, warkaas oo sheegaaya in uu Dalmar nabdoon yahay.
Ma runbaa, ma riyaa! Ma dhabbaa ma dhalanteedbaa! Eegtay oo haddana eegtay waaba Dalmar laftiisii. neeftii ka soo baxday ee ugu horraysay waxa ay ahayd qaylo farxadeed oo ay mar kaliya ku sannaadhay iyada oo aan is ogayn! Illayn farxaddu way noocyo badan tahay. Waxaa haddana ugu xigay tirinta erayadan oo sida dhibicda roobka qalbigeeda uga soo burqanaayay.
Dadkaba laba beerka iyo
Booggiyo laabta is ka jecel
Hadday baryo kala lumaan
Berri iyo badda kala deggaan
Calafka lama baajiyee
Bari ba waa kuwaa kulmee
Caawaba anigoo bad qaba
Haddaan baxsanoow ku helay
Intaa wixii ka danbeeyay Dalmar iyo Deeqa Luula, waxa ay noqdeen Say iyo Sawjad is maqla oo is daneeya is raba oo is ogol. Waxaa ay galeen nolol rayn rayn badan oo kal gacalka iyo Naxariistu tifta hayaan.
Waxa ay sugaanba waa:
Awlaad la majeerto
Ilwaad iyo ugbaad
Ayman iyo Ayuub
Oo bar baarta facooda
Asaaggood la dheela.
W/Q: Nada Yuusuf Cumar










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment