Xiiso Badanaa Govinda Iyo Raveena Tandon Oo Xaflada Zee Cine Awards Wacdaro Ka Dhigi Doonaan

Bulsha:- Inaba caadi ma ahan waxaa shaaca laga qaaday labadii 90-kii Bollywood-ka laga dambeeyay Govinda iyo Raveena Tandon inay dib u midoobi doonaan.

Mudo 11-sano kadib Govinda iyo Raveena waxay kasoo wada muuqan doonaan xaflada Zee Cine Awards 2017 waxayna masraxa ka sameyn doonaan qoob ka cayaar sidoo kalena heesahoodii caanka ahaa ‘Akhiyon Se Goli Mare’ (Bade Miyan Chote Miyan), ‘Kya Lagti Hai Haye Rabba’ (Dulhe Raja), ‘Kurta Phaad Ke’ (Anari No. 1) iyo kuwo kale ayay goobta ka qaadi doonaan.

Govinda oo aad u faraxsan wuxuu sheegay inuu siweyn ugu hanqal taagayo markale Raveena ay isla shaqeeyaan si dad weynaha u mada daaliyaan.

Sidoo kale Raveena ayaa sheegtay in habeenka xaflada Zee Cine Awards oo ku beegan 11-ka bishan Maarso ama habeen dambe in iyada iyo Govinda hadal heynta la wareegi doonaan sidoo kalena ay goobta ka dhigi doonaan wacdaro taariikhi ah.

Fadlan hoos ka daawo heesta Ankhiyon Se Goli Mare ee Govinda iyo Raveena marwalbo lagu xasuusan doono:










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment