Zee Cine Awards 2017: Kareena Kapoor Oo Badashay Dhanka Masraxa Katrina Kaif Kadib Dhaawac Soo Gaaray

Bulsha:- Waxaa si rasmi ah shaaca looga qaaday in atirishada Katrina Kaif aysan ka cayaari doonin masraxa xaflada Zee Cine Awards 2017 kadib markii dhaawac soo gaaray xili ay filimkeeda Jagga Jasoos qaybo ka mid ah duubeesay.

Gudiga qaban qaabada xaflada Zee Cine Awards 2017 waxay la xariireen Kareena Kapoor Khan oo aqbashay inay Katrina Kaif badasho sidoo kalena xaflada ka cayaari doonto heesana ka qaadi doonto.

Kareena Kapoor Khan waxay tiri “Waxaan ku jiraa marxalada ugu wanaagsan nolosheyda xiligaan waana ku faraxsanahay inaan masraxa Zee Cine Awards 2017 kusoo laabto, kalsooni weyn ayaan ku qabaa inaan daawadayaasha mada daalin karo”

Waa markii ugu horeesay ee xaflad Kareena Kapoor qoob ka cayaar ka sameyn doonto tan iyo markii ay hooyo u noqotay Taimur Ali Khan oo ay dhashay 20-kii December 2016.

Sidoo kale xaflada Zee Cine Awards 2017 ee la qaban doono habeen dambe (11-Maarso 2017) waxaa masraxa ka cayaari doonaan Alia Bhatt, Sunny Leone, Govinda, Raveena Tandon,Varun Dhawan iyo jilaayaal kale.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment