Wajigeeda Waan Helnay Gabadha Sunny Deol U Xushay Inay Wiilkiisa Karan Deol Lasoo Caan Baxdo

Bulsha:-  Bollywood Super Star Sunny Deol wuxuu dhawaan helay gabadha wiilkiisa la sameyn doonto filimka kowaad ee Karan Deol lagu soo caan bixinaayo.

Waxaan dhawaan idinla wadaagnay in gabadha Sunny soo xushay magaceeda la dhaho Saher Bamba oo reer Shimla ah sidoo kalena dhanka Model-ka xirfadeeda kowaad ahayd.

Sidoo kalena Saher Bamba waxay ku guuleesatay tartanka Model-ka Times Fresh Face 2016 waxaana markii ugu horeesay helnay sawirka wajigeeda waana midka sare idin kaga muuqdo.

Haatan Saher Bamba waxay dagan tahay magaalada Mumbai oo ay wax ka baraneyso waxayna tartan u gashay inay filimka kowaad Karan Deol la sameyso ayadoo kasoo dhex baxday 200-gabdhood oo lala tartan siiyay si ay filimkaan u calfato sameyntiisa.

Karan Deol iyo Saher Bamba filimka lagu soo caan bixinaayo waxaa la dhahaa Pal Pal Dil Ke Paas waxaana Director iyo soo saare ka ah Sunny Deol ayadoo duubis rasmi ah lagu bilaabi doonaa bisha April ee nagu soo fool leh.
Inta badana filimka Pal Pal Dil Ke Paas oo jaceyl iyo action isku jiro ah waxaa lagu duubi doonaa Waqooyiga Hindiya waxaana leenahay nasiib wacan Saher Bamba, Sunny Deol iyo wiilkiisa Karan Deol.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment