Tiger Shroff Hooyadiis Iyo Walaashiis Oo Ka Aamusi Waayeen Weerarkii Wiilkooda Director Ram Gopal Varma Ku Qaaday

Bulsha:- Tiger Shroff hooyadiis Ayeshs Shroff iyo walaashiis ka yar Krishna Shroff ayaa ka aamusi waayeen wiilkooda aflagaadii uu dhawaan Director Ram Gopal Varma baraha bulshada ugu geestay.

Maalmo ka hor Tiger Shroff dhalashadiisa ayuu qof walbo hadal haayay inta badana wiilkaan baraha bulshada ayaa hambalyo kala duwan loo soo dhigaayay.

Laakiin Director Ram Gopal Varma ayaa baraha bulshada soo dhigay qoraalo aad u qaab daran oo uu Tiger ku weeraray wuxuuna ku tilmaamay inuu u eg yahay laga roone ama atirisho qaawan oo nigis iyo garan wadato!

Aqriste Ram Gopal Varma warbixintii uu Tiger ku aflaageeyay halkaan ka aqriso (Director Ram Gopal Varma Aya Ku Tilmaamay Tiger Shroff “Laga Roone Iyo Atirisho Qaawan!”)

Hadaba Tiger Shroff hooyadiis ayaa arinkaan ka aamusi weesay waxayna Ayesha Shroff tiri “Waan la yaabnay hadaladii qaabka darnaa ee Ramu kasoo yeeray, balse Tiger wax dhib ah kuma abuurin”

“Ma fahmi waxaa keenay murankaan balse Ramu dhib kuma qabno qoys ahaan, balse waxaan la yaabanahay waxaa keenay in la adeegsado sifo ah qaniin/laga roone in qof lagu tilmaamo ayadoo dunida siweyn u hormartay”
“Aniga ahaan Nin ragg waxaan u aqaan midka aqoon u leh sida dumarka loola dhaqmo loona xushmeeyo waxaana heestaa labo nin ragg ah oo nolosheyda garab taagan muhiimna u ah waana Jackie iyo Tiger”

Krisshna Shroff oo ah Tiger walaashiis ka yar iyadana waxay tiri “Ma doonayo warar xun oo baraha bulshada lagu hadal haayo inaan isku mashquulino waayo nolosheena waxaas saameyn kuma lahan”

“Waan ogahay Tiger waxaas iyo wax u dhow inaysan waxba u dhimeyn shaqsiyadiisa, aniga walaalkeey waan ilaashtaa sida uu isaga ii ilaashto”

“Tiger dhalashadii waxay wadatay farxad balaaran, laakiin waa ku qoslay ereyadii uu Ramu soo qoray waxaana u qaatay kuwo kaftan ah, ma ahan wax aan isku mashquuliyo sidoo kalena uma heesto in Tiger loo gafay ama la ijaafeestay waayo waxaas wuu ka weyn yahay shaqsiyadiisa”

“Ninka dhabta waa midka aqoon u leh sida dadka oo dhan loo xushmeeyo looguna naxariisto, sidaa darteed Tiger labadaas sifaba isaga ayay gaar u tahay, waana ninka ragga ah midka ugu dambeeyay ee dunidaan saameynta ku leh”











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment