Sawirka Maanta: Sonam Kapoor Oo Gacanta Ka Heesato Wiilka Lagu Xanto Anand Ahuja

Bulsha:- Atirishada Sonam Kapoor dhawaanahan waxay badashay hab dhaqankii lagu yaqiinay oo ahaa inay nolosheeda gaarka ah saxaafada la wadaagin.

Balse berahan xidigtaan waxay bilaawday inay banaanka isi soo dhigto ayadoo marwalbo la arkaayo waqti wacan oo ay la qaadaneyso wiilka lagu xanto inuu jaceyl kala dhaxeeyo Anand Ahuja.

Hadaba waxaa laso bandhigay sawir muujinaayo heerka uu taagan xiriirka labadaan lamaane madaama Sonam oo gacanta ka heesato Anand Ahuja lasoo bandhigay.

Sonam Kapoor weli si rasmi ah shaaca kagama qaadin inay is jecel yihiin Anand Ahuja balse sadar muuqdo su’aal ka dhan waxaana la wada filaa xiliga ay sida rasmiga ah xidigtaan shaaca kaga qaadi doonto in Anand Ahuja nolosheeda qayb ka yahay.

Dhinaca shaqada Sonam Kapoor waxay duubis ku bilaabi doontaa filimkeeda Veere Di Wedding bisha dambe waxaana la jilayaan Kareena Kapoor Khan, Shikha Talsania iyo Swara Bhaskar.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment