Bulsha:- Bollywood King Khan iyo boqoradiisa ay shaashadaha wacdaraha ka wada dhigaan Kajol Devgn marnaba xiriirkooda mugdi masoo gali doono.
Dhawaan filim sameeye Karan Johar oo SRK saaxiib dhow la ah ayaa shaaca ka qaaday inay Kajol isku dhaceen dib dambena u heshiin doonin.
Laakiin SRK arimahaas waxba kama galin sidoo kalena xushmadii iyo wanaagii uu shalay u haayay ayuu Kajol maantana u hayaa.
SRK iyo Kajol ayaa ku wada kulmeen bandhigii Fashion-ka Mijwan Summer 2017 markii ay goobta isku arkeena SRK ayaa dadka kasoo dhex baxay sidoo kalena Kajol si wanaag ku dheehan hab u siiyay.
Waxaana dib loo xasuustay markii ay wada mataleen doorarkii Raj iyo Simran ee filimkoodii Dilwale Dulhania Le Jayenge.
Fadlan SRK iyo Kajol mar labaad filim isla sameeya waan u xiisnay wadajirkiinii wacnaa ee qalbiyada dhaqaajin jiray!!!
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment