Bulsha:- Atooraha caanka ah Shahid Kapoor ayaa ka qayb galay bandhiga India Today Woman Summit and Awards sidoo kalena wuxuu saxaafada u ogolaaday inay arimo badan wax ka weydiiyaan noloshiisa gaarka ah iyo mida fanka Hindiya.
Hadaba si laba filaan ah qof ka mid ahaa joornaalistayaasha ayaa Shahid Kapoor weydiiyay su’aal ku aadan noloshiisii hore iyo xiriirkii qarsanaa ee uu Kareena Kapoor lasoo wadaagay.
Shahid Kapoor wuxuu ku jawaabay “Sidee ku ogaatay? Ma waxaad ahayd qof aniga i jaajuusayay xiligaas? Aniga ma ihi qof sirtiisii hore marwalbo banaanka soo dhigo!”
Shahid Kapoor ayaa hadalkiisa sii watay wuxuu yiri “Aniga waxaan ahay qof sir hore leh sidoo kalena sirta maantana xafido marka ma ahan wax munaasab ah inaad su’aalahaas i weydiisid”
Shahid Kapoor iyo Kareena Kapoor mudo afar sano ah ayay saaxiibo ahaayeen intii u dhaxeesay 2003 ilaa 2007 balse markii dambe wey kala hareen.
Shahid haatan waxaa dhaxdo gabadha lagu magacaabo Mira Rajput oo u heyso gabbar lagu magacaabo Misha sidoo kalena Kareena Kapoor iyadana waxay guursatay Saif Ali Khan dhawaana wiil loo bixiyay Taimur ayay dhashay.
Shahid Kapoor ayaa kula taliyay gabadhii joornaalistaha ahayd inaysan markale qof wax ka weydiinin noloshiisii hore marka uu guursado kadib!
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment