Bulsha:- Quruxleyda Bollywood-ka wey soo laabatay Preity Zinta waxaana bartamaha sanadkaan usoo bixi doono filimka Bhaiyyaji Superhitt oo ay Super Star Sunny Deol la jileyso.
Hadaba Preity Zinta oo qurux iyo kool koolin filimada ku matasho ayaa la sheegay in filimka Bhaiyyaji Superhitt waji cusub ku matali doonto.
Xidigtaan la wada jecel yahay qaabka loo badalay waxaa ka hadlay Director Neeraj Pathak oo filimka Bhaiyyaji Superhitt sameeyay wuxuuna yiri “Waxay ahayd arin walaac badan in Preity Zinta aan u yeelno muuqaal aan lagu aqoonin, waxaan idiin balan qaadaa qof kasto oo muuqaalkeeda cusub arko inuu ka sheekeen doono”
“Preity waxay filimka Bhaiyyaji Superhitt ku mataleysaa Sunny Deol xaaskiisa taasi oo ka timid Banaras, waxayna leedahay muuqaal gabbar Hindi asali taasi oo aan dhal dhalaal iyo soo jiidasho weyn wajigeeda ka muuqan doonin”
Preity Zinta oo filim hidaha iyo dhaqanka Hindiya ku mataleyso waxaa ugu dambeeyay filimkii Veer Zaara oo ay SRK la sameesay.
Sidoo kalena Preity Zinta waxaa noogu dambeesay inaan filimkeeda daawano sanadii 2013 ayadoo markaas sameesay filimkii ay soo saaraha ka ahayd Ishkq In Paris kaasi oo ganacsi ahaan guul dareestay.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment