Bulsha:- Hadal heyn xoogan ayuu abuuray sawir wadajir ay u galeen Deepika Padukone iyo Neetu Singha waa Ranbir Kapoor hooyadiis waxayna ku kulmeen xafladii HT Most Stylish Awards 2017.
Sheekada waxaa loo dhigay in Deepika ay weli xushmad balaaran u heyso jaceylkeedii hore Ranbir Kapoor hooyadiisa madaama ay waji farxad ah kusoo dhaweesay.
Hooyo Neetu Singh wax dhibaato ah uma aragto in gabadhii wiilkeeda la socon jirtay ay meel fagaaro ah kulan kulanto sidoo kalena waji furan ayay kusoo dhaweesay.
Deepika iyo Ranbir ayaa hada hor jaceyl ka dhaxeen jiray inkastoo markii dambe Ranbir uu xidigtaan meel cidlo ah kaga tagay wuxuuna ka raacay atirishada Katrina Kaif.
Hadana Deepika iyo Ranbir dib ayay u heshiiyeen kadib kala tagoodii waxayna wada sameeyeen filimo kala duwan sida Yeh Jawaani Hai Deewaani iyo Tamasha.
Xafladii HT Most Stylish Awards 2017 Deepika Padukone waxaa lagu gudoonsiiyay abaal marinta xidigta ugu xarakada badan sanadkaan (most stylish global icon of the year).
Balse biladii la siiyay waxaa ka saameyn badnaatay sawirkii ay la gashay jaceylkeedii hore Ranbir hooyadiis Neetu Singh oo weli siweyn loo hadal haayo.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment