Madaxweyne FARMAAJO oo la Kulmay Ninkii uu Taladiisa isku Casilay 2011-­kii

Bulsha:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa shir gaar ah magaalada Nairobi kula yeeshay madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni isaga oo kala hadlay xiriirka labada dal, nabadgalyada iyo horumarinta Soomaaliya.

Labada madaxweyne oo ku kulmay Hoteelka uu shirka IGAD ka socdo ee Villa Rosa Kempisky ayaa waxaa ay halkaasi ka soo jeediyeen hadallo gaaban.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa uga mahadecliyay madaxweynaha Uganda Museveni taladii wanaagsaneed ee uu siiyay heshiiskii loo yaqaaney “Kampala Accord” ee uu isku casilay Farmaajo xilligii uu ra’isul wasaaraha ahaa 2011­kii.

Farmaajo hadalladiisa waxaa ka mid ahaa “Waxaa ay aheyd talo fiican, qofka waa in uu qaataa go’aan isaga oo eega maslaxadda dalka, hadda waxaan xoogga saarayaa dhismaha ciidamada, qalabeyntooda iyo in aan ka hortagno Al­shabaab”.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment