Filimka Badrinath Ki Dulhania Iyo Jimcadiisa Sedexaad Lacagaha Uu Gudaha Hindiya Ka Keenay

Bulsha:- Varun Dhawan iyo Alia Bhatt filimkooda Badrinath Ki Dulhania ayaa u suura gashay inuu 1.25 Crore (Trade Figure) keeno Jimcadiisa sedexaad sida shabakada Boxoffice India soo daabacday.

Wadarta guud filimkan jaceylka iyo shactirada isku jiro ah wuxuu marayaa 99.25 Crore (Trade Figure) wuxuuna sameeyay wax ka yar 70% hoos u dhac ah marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii labaad lacagaha uu keenay waxaana ugu wacnaa in loolanka markaan xoogan yahay madaama filimka Phillauri ganacsi fiican isagana sameeyay maalintii shalay ahayd.

Akshay Kumar filimkiisa Jolly LLB 2 ayaa weli ah filimka Jimcada sedexaad lacagaha ugu badan soo xareeyay asigoo xiligiisii keenay 1.75 Crore laakiin wuxuu xiligaas ka faa’iideestay fasixii Mahashivratri ee maalintaas jiray laakiin sida caadiga BKD ma uusan ka lacag badin laheyn Jimcada sedexaad.

Fadlan hoos kaga bogo filimka BKD ganacsiga uu ilaa haatan gudaha Hindiya kasoo sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India:

Todobaadka kowaad – 71.77 Crore

Todobaadka labaad – 26.25 Crore

Jimcada sedexaad – 1.25 Crore (Qiyaasta xili hore)

Wadarta Guud – 99.27 Crore (Trade Figure)

Weli hadafka filimka BKD wuxuu yahay inuu noqdo filimka labaad ee sanadkaan lacagaha ugu badan soo xareeyay waxaana muuqato inuu darajadaas gaari doono oo uu meesha kala bixi doono filimka Jolly LLB 2 oo 107 Crore soo xareeyay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment