Bulsha:- Anushka Sharma filimkeeda Phillauri ayaa sameeyay ganacsi dhex dhexaad ah maalintiisa kowaad gudaha Hindiya sida shabakada Boxoffice India xaqiijisay filimkaan maalintiisa kowaad wuxuu keenay 3.50 Crore – 3.75 Crore lacago u dhaxeeyo.
Dhinaca kale kooxda filimka Phillauri iska leh waxay si rasmi ah shaaca kaga qaadeen inuu maalintiisa kowaad keenay 4.02 Crore (Producer Figure) sidoo kalena uu Waqooyiga Hindiya ku xoogan yahay.
Filimka Phillauri wuxuu ganacsi fiican ka sameeyay Waqooyiga Hindiya gaar ahaan East Punjab, Delhi/UP waxaana ugu wacan in Super Star-ka reer Punjab Diljit Dosanjh hogaamiyaasha ka mid yahay.
Anushka Sharma filimkeedii ugu dambeeyay oo ay soo saare ka ahayd NH 10 maalintiisa kowaad wuxuu keenay 3.25 Crore balse Phillauri inuu ilaa 5 Crore keeni karo ayaa lagu kalsoonaa midaas ma dhicin.
Waxaana ugu wacan in Mumbai, Kolkata and Bangalore maalintiisa kowaad uu ganacsi liito ka sameeyay waxaana qasab ku ah filimkaan maalintiisa labaad inuu sare u kac xoogan sameeyo.
Filimka Phillauri wuxuu East Punjab kaga lacag badiyay maalinta kowaad filimada waa weyn sida Kaabil, Shivaay iyo Rangoon waxaana ugu wacan Super Star Diljit Dosanjh shacbiyada balaaran ee uu Waqooyiga Hindiya ku leeyahay.
Filimka Phillauri hadii uu maanta oo Sabti ah sare u kac 40% sameeyo ganacsi ka badan midkiisii maalinta kowaad waa hubaal inuu guuleesan doono weliba Mumbai hadii uu maal maha sabtiga iyo axada sare u kac ka sameeyo wuu guuleesan karaa.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment