Sawiro U Gaar Ah Karan Labadiisa Caruur Mataanaha Ah Oo Isbitaalka Laga Soo Bixiyay

Bulsha:- Ugu dambeyntii filim sameeye Karan Johar labadiisa caruur mataanaha ah ayaa laga soo saaray isbitaalkii ay ku jireen madaama xanaano gaar ah la siinayay kadib markii ay ku dhashheen 7-bilood ama labo bilood ka hor xiligii loogu tala galay.

Karan Johar oo caruurtiisa Yash iyo Roohi kusoo dhaweenayo gurigiisa ayay saxaafada u suura gashay inay sawiro ka qaadaan balse sawiradaan ma ahan kuwo muuqaalka caruurta oo dhameestiran lagu soo bandhigay.

Karan Johar ayaa aad ugu faraxsan in caruurtiisa haatan xaalad ahaan soo kabteen sidoo kalena uu gurigiisa kusoo dhaweeyay halkaasna ay kula noolaan doonaan.

Karan Johar ayaa hadal heynta Bollywood-ka la wareegay horaantii bishii Febraayo markii labo caruur mataano ah loo dhalay ayadoo uusan wax guur ah galin waxaana loogu dhalay nidaamka loo yaqaan (Surrogacy) oo ah haweenay in bacriminta caruurta ka qayb qaadato ayadoo la guursanin kadibna uurka ku qaado marka ay dhashana ay caruurta iska wareejiso.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment