Indhaha La Iskama Soo Dhaweynin Adinka Iskaba Dhaaf: Markii Lamaanihii Hore Bipasha Basu & Rana Daggubati Hyderabad Isku Arkeen!!

Bulsha:-  Dhacdo yabooh iyo sadaqo isugu jirto ee lagu qabtay magaalada Hyderabad ayaa atirishada Bipasha Basu lagu casuumay balse hadii ay ogaan laheyd in xafladaan uu imaan doono saaxiibkeedii hore Rana Daggubati marnaba Mumbai kama soo safarteen!!

Waji gabax iyo fool xumo ayaa ka dhacday xafladii yabooha lagu aruurinaayay markii Rana Dagubbati iyo Bipasha Basu si lama filaan ah goobta isku arkeen!

Halkii ay indhaha iska soo dhaweyn lahaayeen kadibna is salaami lahaayeen midaas ma dhicin waxaana dhacday mid walbo midka kale inuu inkiro!

Maxaa Dhex Maray Bipasha Basu & Rana Daggubati Hada Ka Hor:

Bipasha Basu & Rana Daggubati jaceyl ayaa ka dhex dhashay hada ka hor markii ay wada sameeyeen filimkii Dum Maaro Dum oo Abishek Bachchan hogaamiyayaasha ka mid ahaa.

Weliba sanadii 2011 jaceylkii ka dhaxeeyay waxay kusoo bandhigeen heeska Te Amo ee filimka Dum Maaro Dum ku jirtay oo ay is fahan wacan kusoo bandhigeen dadkana u sheegeen in kaliya labo isku kalsoon sidaan isugu soo dhawaan karaan!



Kadib waxaa dhacday in Bipasha iyo Rana isku dhaceen madaama Bipasha dabeecad u laheyd inay atoorayaasha midkii ay si fahmaan waqti wacan la qaadato kadibna ay kala tagaan!

Xitaa filim uu iska lahaa Vikram Phadnis ayaa lagu dhawaaqay in labadaan lamaane sameyn doonaan laakiin markii ay isku dhaceen mashruucaan meesha ka baxay.

Xafladii Hyderabad Bipasha Basu & Rana Daggubati Iskuma Soo Dhaweynin:

Inkastoo Bipasha haatan marwo tahay una dhaxdo atooraha Karan Singh Grover sidoo kalena Rana Daggubati noloshiisa kalinimo uu ku faraxsan yahay hadana marnaba laguma fikireyn inay labadaan jilaa xasuutii hore goob sadaqo keeni doonaan.

Sidaa darteed Bipasha iyo Rana weli xiriirkooda ma wanaagsano waxayna xafladii Hyderabad ku dhacday dhameesteen ayagoo inkiraad cas isku sameeyeen sidoo kalena mid walbo wuxuu dacwad u qabsaday kooxdii soo abaabushay munaasabadan oo aan u sheegin inay labadooda wada casuumeen!!











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment