Bulsha:-Alia Bhatt ayaa si lama filaan ah ku eedeesay walaasheed Shaheen Bhatt inay sabab u tahay baaqashada filimka Aashique 3 oo ay la jili laheyd saaxiibkeeda Siddharth Malhotra.
Alia Bhatt ayaa xiiso weyn u qabto inay aabhaeed Mahesh Bhatt la shaqeyso madaama ruug cadaagaan uu filimka Aashique 3 soo saare ka yahay.
Alia Bhatt ayaa sheegtay in walaasheed Shaheen Bhatt sheekada filimka Aashique qoreyso sidoo kalena ay ka heshay markii fariinta filimkaan afka loogala wadaagay.
Balse Alia ayaa sheegtay baaqashada ku timid duubista Aashique 3 sabab u tahay walaasheed Shaheen Bhatt oo daahisay dhameestirka qoraalka sheekada filimkaan.
Madaama Shaheen Bhatt soo daahisay dhameestirka qoraalka Aashique 3 waxaa dhacday in Siddharth Malhotra uu bilaabo duubista filimka Ittefaq oo uu la jilaayo Sonakshi Sinha.
Sidaa darteed Director Mohir Suri oo Aashique 3 sameyn lahaa isagana weli masoo gaarin qoraalka sheekadan filimkaan oo dhameestiran si uu u agaasimo habka lo duubayo iyo sida ay sheekada isugu daba dhaceyso.
Sidaa darteed Alia Bhatt haatan ma jiro mashruuc ay duubeyso madaama sidoo kale filimkii Dragon oo ay la jili laheyd Ranbir Kapoor isagana baaqday.
Alia Bhatt si kaftan ku dheehan ayay u sheegtay walaasheed ka weyn Shaheen Bhatt sabab u tahay baaqashada Aashique 3 iyo mudo kadib inay shaqo la’aan si ku meel gaar ah u noqoto.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment