Bulsha:- Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay aragtida kowaad filimka Haseena: The Queen of Mumbai oo ay Shraddha Kapoor hogaamiye ka tahay sidoo kalena aan maanta subaxdii hore idinla wadaagnay in filimkaan duubistiisa soo idlaatay.
Shraddha ayaa filimka Haseena ku mataleyso noloshii gabadhii Gangester=ka ahayd ee Mumbai laga dambeyn jiray Haseena Parkar waana filim fariin culus xambaarsan.
Sidoo kale filimkaan waxaa door muhiim ah ku leh Shraddha walaalkeed Siddhanth Kapoor oo filimkaan ku matalaay Haseena walaalkeed burcadka ahaa Dawood Ibrahim.
Filimka Haseena waxaaa Director ka ah Apoorva Lakhia waxaana la daawan doonaa 14-ka July 2017 waana filim siweyn loo wada sugaayo.
Shraddha Kapoor ayaa duubista filimka Haseena kusoo gaba gabeesay mudo 45-cisho ah xidigtaan waxayna ku mataleysaa nolosha Haseena marxaladihii kala duwanaa oo ay soo martay.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment