Bulsha:- Magaca filimka Bazaar kuma cusbo aqristayaasha shabakada Filimside la kowsadeen waayo labo sano iyo bar ka hor ayaan mashruucaan ka sheekeentiisa bilaawnay.
Filimka Baazaar waxaa iska leh Director Nikhil Advani oo horey u sameeyay filimka Kal Hoo Na Hoo waxaana markii hore sheegnay in Hrithik Roshan sameyn doono filimkaan.
Kadib waxaa xigtay in Hrithik isaga baxay mashruucaan oo Akshay Kumar loo dhiibay laakiin sheekadaas meel ma tagin waxaana ka dambeesay in Arjun Kapoor la sheegay inuu hogaamiye ka noqon doono.
Sheekada waxay sal dhigatay sanadkii hore markii aan baahinay in Saif Ali Khan atoore kowaad looga dhigay filimka Baazaar.
Maantana Director Nikhil Advani wuxuu shaaca ka qaaday jilaayaasha filimkaan oo dhameestiran kuwaas oo kala ah Saif Ali Khan, Sana Fatima Shaikh, Nimrat Kaur iyo Rohan Mehra.
Nimrat Kaur atirishadii filimka Airlift amaanta weyn ku heshay waxayn filimkaan jaceyl kula wadaagi doontaa Saif Ali Khan, halka Sana Fatima Shaikh gabadhii filimka Dangal oo iyadana jaceyl la wadaagi doonto Rohan Mehra.
Rohan Mehra waa wiil yar oo filimkaan lagu soo caan bixin doono waxaana aabo u ah atoorihii caanka ahaa 80-kii Vinod Mehra.
Filimka Baazaar waa qayaano iyo cabsi isku jiro wuxuuna ka hadlaa sida suuqyada caalamka la isugu dhaco dhanka sarifka qalaad iyo badeecada lacagaha adag lagu kala iibsado.
Filimka Baazaar dhawaan ayaa duubis lagu bilaabi doonaa sida Director Nikhil Advani sheegay hadii qorshaha loo dajiyay lagu dhameestiro waxaa la daawan doonaa dhamaadka sanadkaan 2017.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO

Blogger Comment
Facebook Comment