Muuqaal: Burkiyeer ku yaal jarmalka oo laga helayo mas qoorta kuu masaajeenayo

Bulsha:-  Si adeegyada kala duwan ee caalamka la qabaanyo macmiil kala duwan loogu soo jiito adeeg gaar ah ayuu la imaaday burkiyeer/koofeer ama Hair Sallon ku yaalo dalka Jarmalka.

Warbixin cusub ayaa lagu sheegay burkiyeerkaan ku yaalo magaalada Dresden ee dalka Jarmalka inuu haayo adeeg u gaar ah oo uu macaamiil badan ku kasbaday.

Burkiyeerkaan ama koofeerkaan wuxuu hayaa adeeg cajiib badan oo ah in mas qoorta kuu masaajeenayo sidoo kalena murug hadii uu qoorta kaaga jiro kaa saarayo.



Maskaan nooca Python-ka ahaa la sheegay inuu isaga dhan murqo dhameestiran yahay wuxuuna sameenaa in macmiilka uu qoortiisa isku duub duubayo kadibna macmiilkii qoorta muruqyada kaga jiran ka saarayo si wacana kuugu masaajeenayo.



Maskaan waxaa la sheegay in dhirirkiisa uu yahay 161cm ama 1.61m sidoo kalena halkii masaajees ee uu hal macmiil u sameenayo ayaa waqti ahaan soconaayo 30-daqiiqo waxaana qofkaas laga qaadaa 35 Euro oo u dhiganto $37.74.

Falk Döhler oo ah madaxa saaloonka Haar Mode Team sidoo kalena iska leh koofeerkaan ayaa sheegay in adeegaan gaarka ah ay qabtaan todobaadki labo jeer sidoo kalena macaamiisha soo dalbanayaan ay aad u fara badan yihiin.

Sidoo kale Falk Dohler wuxuu sheegay in maskaan lagu magacaabo Monty sidoo kalena 90% jirkiisa murqo ka sameesan yihiin midaas oo si dabiici ah qofka qoorta ka xanuunsan u anfaceyso inuu masaajees u sameeyo.

Falk Dohler ayaa sheegay in fikradaan uusan isaga keenin balse marka hore dalka Koonfur Afrika kusoo arkay sidaasna uu gudaha Jarmalka kaga hirgaliyay inkastoo marka hore adeegaan laga cabsanaayay balse haatan wuxuu noqday mid caan ah oo hirgalay.

Fadlan hoos ka daawo maska lagu magacaabp Monty iyo sida uu macaamiisha masaajees dhanka qoorta ah ugu sameenayo:










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment