Bulsha:- Quruxleydii hore ee aduunka is bartay sanadii 2014 Tegan Martin kadib markii ay noqotay Miss Universe Australia ayaa haatan dhaawac halis ah soo gaaray sidoo kalena isbitaal la dhigay.
Tegan Martin wey nasiib daran tahay waayo dameer faroow ayaa haraanti ama darbad la dhacay xili ay ka qayb galeesay bandhig TV-yada laga daawado oo si run ah loo sameeyo!
Nasiib xumaa Tegan Martin waxaa lagu xujeeyay inta uu bandhigaan socday inay tiriso calaamadaha dameer farowga leedahay ee cadaanka iyo madowga isugu jiro ah balse marka ay bilaawday hawsheeda iyadana haraanti ayaa ku bilaabatay!!
Tegan Martin iyada ayaa dooratay inay dameer farrowga midibkiisa xisaabiso madaama ay ka cabsootay inay xisaabiso tiro ahaan masas kala duwan, caara caaro iyo dib qalooc laga dal baday inay gacmaheeda ku xisaabiso.
Tegan Martin dhowr darbad ayaa lagu dhuftay weliba si xun ayuu dameer farrowga gabadhaan u dhibaateeyay markii laga soo gaareyna wey miir dabool matay!

Waxaa xusid mudan in Tegan Martin ayadoo miir dabool matay sidoo kalena jug xoogan ku dhacday ayaa goobta laga qaaday laakiin tartanka bandhigii wey ku guuleesatay madaama ay qayb ka mid ah xisaabisay midabada cadaanka iyo madowga dameer farowga leeyahay.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment