Bulsha:- Atirishada Anushka Sharma waxay ku jirtaa xiligeeda ugu fiican Bollywood-ka madaama labadeedii filim ee ugu dambeeyeen Sultan iyo Ae Dil Hai Mushkil Hit dhameestiran noqdeen.
Hadaba Anushka Sharma ayaa hadal heynta Bollywood-ka iyo gudaha Hindiya la wareegtay kadib markii ay sameesay arin naadir ah xili ay shir jaraa’id ku jirtay xayeysiina u sameeneesay filimkeeda Phillauri.
Anushka Sharma ayadoo wareysi bixineyso sidoo kalena saxaafada oo dhan horteeda fadhiso ayay qaaday talaabo cajiib ah waayo mid ka mid ah taleefoonada/mobile-ka horteeda yaalayay ee codkeeda lagu duubayay sidoo kalena qof saxafi ah iska lahaa ayaa lasoo wacay.
Anushka Sharma ayaa taleefoonka qabatay weyna la hadashay waxayna tiri “Haye Eedo sidee tahay, waa gabadhaada oo wareysi ku jirto, dib ayaan kaa soo wacayaa waa Anushka”
Kadib Anushka qofkii taleefoonka lahaa ayay u wacday waxayna ka codsatay inuu la hadlo qofka soo wacay wuxuuna isagana yiri markii uu taleefoonka qabtay “Hooyo, dib ayaan kaa soo waceynaa aniga iyo Anushka, waxay ku jirtaaa wareysi sidoo klena taleefoonkeyga ayaa lagu duubayaa”
Anushka Sharma ayaa sheegtay sababta ay Taleefoonka aysan laheyn u qabatay kadib markii ay aragtay lambarka soo dhacaayo in magac ahaan “Hooyo” ku qoran yahay.
Sidaa darteed Anushka xeerkeeda waa in “hooyo kasto aan taleefoon lagu dhageesanin oo si dhaqsi ah looga qabto”
Anushka wareysiga ayay sii wadatay kadibna waxay ka yaabsatay dadkii goobta ku sugnaa oo la yaabeen hab dhaqanka wanaagsan ee Anushka.
Waayo jilaayaasha qaar wareysiga laga qaadayo hadii uu taleefoon soo dhaco wey ka caroodaan ama shirka jaraa’id ayayba joojiyaan.
Laakiin Anushka taleefoonkii lasoo wacay dhib uma arkin waxayna muhiimada siisay hooyada wiilkeeda soo waceesay in lala hadlo halkii taleefoonka lagu dhageesan lahaa………
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment