Bulsha:- Atirishada caanka ah Priyanka Chopra labadii sano ee ugu dambeesay dhinacaas iyo Hollywood-ka ayay u badneyd waxaana haatan u diyaarsan filimka Baywatch oo xagaaga nagu soo fool leh la daawan doono.
Hadaba waxaa si hordhac ah loo sheegay in Priyanka ay keeni doonto gudaha Hindiya labada jilaa ee filimka Baywatch la sameeyeen Dwayne Johnson Iyo Zac Efron.
Qorshaha Dwayne Johnson iyo Zac Efron Hindiya ku imaan doonaan ayaa ah inay Priyanka garab istaagaan sidoo kalena ay xayeysiin balaaran u sameeyaan filimkooda Baywatch oo bartamaha bisha May ee sanadkaan la daawan doono.
Priyanka filimka Baywatch waxay ku mataleysaa gabbar laadarad xeelad badan sidoo kalena ka qayaami doonto kooxda filimkaan oo ay ugu horeeyaan Dwayne Johnson iyo Zac Efron

Waxaa naga xasuusin ah in bilawgii sanadkaan Deepika Padukone ay atooraha caanka ah Vin Diesel gudaha Hindiya keentay xili ay filimkoodii xXx: Return Of Xander Cage xayeysiin u sameenayeen.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment