Bulsha:- Malaika Arora & Arbaaz Khan mudo 18-sano ah ayay isla noolaayeen ayagoo ahaa lamaane awood badan oo Bollywood-ka ku daydaan.
Balse tan iyo sanadkii hore lamaanahan islama nool waxaana lagu wadaa inay bisha May si rasmi ah isku furaan sidoo kalena kiiskooda maxkamada ayaa gacanta ku heyso.
Hadaba lama filaan ayay noqotay in Malaika Arora & Arbaaz Khan hal meel lagu wada arko waxayna wada tageen saaxiib guud oo ka wada dhaxeeyo gurigiisa kaasi oo ku yaalo xaafada Bandra magaalada Mumbai.
Malaika Arora & Arbaaz Khan waxay isku dayaan marwalbo inay xushmad isku muujiyaan sidoo kalena saxaafada aysan warbixino qaldan ka faafinin madaama ubad ka dhaxeeyo.
Sidaa darteed hal xaflad inay ka wada qayb galaan la yaab ma ahan madaama ay xiriirkooda mar hore hakad galiyeen balse duno guud oo ka dhaxeeyo awgeed ayay marwalbo u kulmaan.
Sidoo kale xaflada ay Malaika Arora & Arbaaz Khan joogeen waxaa kasoo wada qayb galeen jilaayaal kale sida Amrita Arora Khan, Kareena Kapoor Khan, Karishma Kapoor iyo wiilka lagu xanto Sandeep Toshniwal.
Sidoo kale Arbaaz Khan walaashiis Arpita Khan iyo wiilkeeda Ahil xaflada wey kasoo wad qayb galeen waxaana goobta isugu imaadeen dadka isku dhow oo aad isku fahansan.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment