Qiso Jaceyl: “Waan Jeclaa, laakiinse daneyste ayuu noqday” (Dhacdo Murug Leh)

Bulsha:-  Akhristayaasha ku taxan Warbaahinta Caalamiga ah ee Gedo Times ayaa jeclaan laheyn inaan la wadaagno Fariin ay so odirtay Gabar Soomaaliyeed oo Magaceeda kusoo koobtay Anisa taasi oo qiso jaceyl xanuun badan ay soo martay inooga sheekeysay.

Aniso ayaa email usoo dirtay Wariye ka tirsan Gedo Times oo is yaqaaneen iyadoo Maamulka Sare ee Gedo Times ka codsatay in qormadaan jaceyl ee qabsatay ay baraha bulshada u so ogudbiyaan, qisadane sidaan ayey ku bilaabmeysaa.

Waxaan halkaan salaan qiimo iyo wanaag badan u marinayaa maamulka iyo shaqaalaha shabakadda Gedo Times, marka xigana waxaan salaamayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan inta akhrisata qisadeydaan.

Aniga da’deedu 21 sano jir, waxaan ku noolahay magaalada Borama, waxaana weli ahay ardayad dhigata Jaamcadda.

Qiso igu dhacday welina qalbiga iga danqisa ayaan go’aansaday in bulshada aan la wadaago, si ugu yaraan dhibaatada aan dareemayo igaga yaraato.

Waxaan muddo is garaneynay wiil aan jeclaysan in halkaan magaciisa kusoo qoro, waxaan ahayn dad jaceyl wadaag ah, laakiinse marka xaqiiqda laga hadlo aniga aad baan u jeclaa laakiinse dhankiiisa allah ayaa garan kara.
Dad badan ayaa xitaa la yaabay heerka uu gaarsiisan yahay Jaceylka aan u hayo, noloshaydiina waxay ahayd mid aad iyo aad ugu faraxsan mar walbo oo aan la joogo ama aan maqlayo.

Aniga waxaa i dhalay mid ka mid ah Ganacsatada ugu magaca dheer Borama, ama guud ahaan deegaannada Somaliland.

Wiilkan aan jeclaa waxaan ogaaday in uusan igu soo raacin jaceyl laakiinse hantida waalidkey uu daneynayey.

Wax walbo oo uu magaalada ka jeclaado waan siin jiray, illeen nafteydii ayaa jeclayd hadana isagu ma ahayn mid dhaqaale haya ama reerkiisu wax u hayaan.

Aniga oo taa eegaya ayaan maalin walbo nolosha meeshaasi ka fiirin jiray, balse waxaa dhacday in maalin maalmaha ka mid ah uu ninkii isbedalo.

Waxa uu la saaxiibay inan kale oo dhaqaale haysata, waliba iyadu ganacsato ah, waxaana ay la socotay in aan xiriir wadaag ahayn, waxayna fartay inuu iga haro.

Galab Khamiis ah oo aan ballansaneenayuu xaafadda iigu yimid iina sheegay in aanu wax jaceyl ah ii qabin, islamarkaana aanu dooneyn in mar kale I arko.

Aad baan u qaracmay waxaana dareemay dhibaato badan oo qalbigega soo wajahday, waan ciishooday, ku dhawaad Bil waxaan ahaan bukaan socoto.

Dadaal badan waan bixiyey asxaabteyda iyo qaar ka mid ah ehelkaygii baan u diray laakiinse waxa uu usoo sheegay in aanu I jeclayn balse uu ahaa kaliya nin jaanis gaad ah ama qarash raadis ah, helayna mid ani iga wanaagsan.

Maalintaa oo hadda laga joogo 7 bil xaqiiqdii aad baan u gubtaa waxaan sameeyana garan waayey, balse inan aynu saaxiib nahay baa igu tiri bal intaasi oo wax kaa degaanne la wadaan bulshada Soomaaliyeed.

W/Q: Fanax fariid










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment