Digniin ku socota dadka jirkooda mariya ‘Kareemada’ bedala qofka muuqaalkiisa

Bulsha:- Caafimaadka Bulshada waa waxyaalaha ugu muhiimsan bini-aadan tanimada ay wax ka baratay. Bulsho caafimaad qabtaa waxay keentaa Horumar, waxay ka qaybqaadata inuu yaraado Kharashaadka dadka kaga baxa inay caafimaad raadiyaan.

Hadaba akhristow waxaan halkaan kugu soo bandhigayaa waxyaalo kala duwan oo bulshadeena dhib ku ah, oo aan u baahnayn inaad Kharash kaaga baxo balse hadii aad qaan nolol-leedkaaga wax aka badasho aad caafimaadkaga ilaalin kartid.


Waxaa halkan idin kugu so gudbinaya Dhibaatoyin-ka ay keenaan Cream-yada Dumarka Ismariyaan ee la isku cadeeyo in ay ku jiraan Sunta Khatar-ta ah ee loo yaqaan Mercury. Sunta Mercury-ga loo yaqaan waa khatar oo dumarka is mariya waxay ka qaadi karaan cuduro ay ka mid yihin Kansar-ka Maqaarka iyo Cuduro Maskaxda ah. Ogoow Hooyada Nuujinaysa ilma yar oo ismarisa Cream-ka DIANA ama kuwa lamid ka ah waxa ku dhacaya Ilmaha yarka ah Suntaas wuu neefsan karaa oo maskaxdisa ay gaari kartaa kadibna Cuduro Maskaxda ah ayaa ku dhici kara.

Wadanka Maraykanka Waa laga mamnuucay Cream-ka DIANA qofkii lagu arko isaga oo ka ganacsanayana waa Xarig. Cream-kas waxa lagu sameeyaa Wadanka Lebanon.

dermovateWaxa kale oo jira Boomaatada Cambaarta loo isticmaalo ee la dhaho Dermovate ama Somalidu utaqaan Durnafaa. Hadii aad akhrisid warqada boomatadaas ku dhex jirta waxa ku qoran in loo isticmaalo caafimad ahaan, balse qurux ahan loguma talagalin, waxana ku qoran fadlan hadi ay nabraha kaa baa-bi-in waydo la xiriir dhakhtarka. Waxase layaab sii ah waxa ku qoran ha marin jirkaaga meelaha daboolan. Waxaase cajiib ah in Dumarkeenu is mariyaan kadibna ay bac kaga daba xiraan ama jirka ay huuriyaan.

Akhristow ka digtoonoow inaad caafimaadkaga ku waydo adiga oo qurux raadinaya, balse hadhow Cuduro aan daawo lahayn aad naftaada usoo jiido.

Qormooyin-ka danbe waxan kaga hadli doona Dhibaatoyinka ay keenaan Dawooyin-ka oo sida loogu talagalay aan loo cunin.


Waxaan ka codsanaya Hay’adaha ay khusayso ee Dowlada, Ganacsatada, Aqoon yahanka arintaas inay u kacaan oo wax ka qabtaan sidi dalkeena looga mamnuuci lahaa.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment