Qiso Cajiib ah “Jaceylkii Safarka Geerida Galay”

Bulsha:- Waa kaligii. Wuxuu u fakarayaa si ba’an, mowjaddiisu meel qudha ayay taagan tahay inay ka dhaqaaqdana waabay diidday! Waxaa ag yaalla miis iyo koob uu shaahii ka dhammaystay saacad ka hor oo quraanyo ku dul wareegayso iyo dhalo faanto ah oo kala baran. Illaa iyo xilligaana isagu xal uma helin fikirka maskaxdiisa ka socda.

Maalmo ka hor ayuu fahmi waayay hab dhaqanka qofka uu dunida ugu jeclaa, gacalisadiisa oo la soo baxday fikir sirgaxan, fikir khaldan, dhanna iyada kala saxsan isagase gebi ahaanba la khaldan. Si dhab ah ayuu u jecelyahay sidaa awgeedna inay dhibi soo gaarto ma rabo, rafaad iyo silicna lama jecla, balse fikir kala duwanaanshuhu marar badan ayuu kala kexeeyaa dad aad isugu dhow. Isagu dooni mayo inuu haatan gacalisadiisa ka talo baxo balse wuxuu ka fikirayaa waxa kaga iman kara howshan ay waddo. Waa howshee? Howl halis ah, safar dhib badan dheef in laga heloyana anay cidi kuu ballan qaadayn! Safar dhalinyaradu aad iyo aad u galaan, badankoodna kuba khasaaraan ama jidkaba ku Allaysta.

Barkhad waxaa maalin hore u timid Hani oo u sheegtay war uusan ku farxin; kaasoo ah inay galayso safar tahriib ah, inay ka tagayso kaliya kamuunan nixine wuxuu ka naxay dhibta ka imaan karta safarka gudhiisa, waa safar laga gudbayo waddan ama waddamo badan, bad iyo saxaro lama degaan ah, safar ku adag ninka ragga ah dumar iskaba daaye. Barkhad wuxuu isku dayay inuu waaniyo kuna qanciyo dalkeeda hooyo balse nin meeli u caddahay meeli ka madow. Wuu ka quustay. Maadaama uu aad u jecelyahay Hani wuxuu ka baqayaa inay safarkaa dhibi uga timaaddo ama aysanba ku guulaysan hadafkiisa, xilligan uu keligii fakarayo wuxuu fadhiyaa kafateeriyada taasoo ah meel deggan kuna fiican fakarka kalinimada ah iyo go’aan gaarista.

Hadaba Barkhad wuxuu dhex maquurtay mowjado afkaar ah oo midiba mid ka danbayso, jirkiisa un baa meesha joogay maahee miyir ahaan aad buu u maqnaa, isagoo fikirkiisii wata ayaa waxaa la hadlay damiirkiisa oo waydiiyay su’aalo dhowr ah, markii hore jawaab uma helin mar danbe ayuuse u jawaabay haatufkii la hadlayay ee wax warsanayey wada hadalkoodiina wuxuu u dhacay sidatan:

Damiirkii:

Hamigaaga waashoow

Naftan habaqla joogtiyo

Qalbigaaga hoganoow

Xubnahaaga hibadiyo

Hannaankii lahaayow

Hal aqoon mudh baxayoow

Waa maxay harraadkani?

Maxaa howd ku geeyoo

Hani hoodaley iyo

Kugu direy hashaadoo

Haasaawihii iyo

Yaa cunay halkaagii?



Hibadaadii waynayd

Iyo hoga tuskaagii

Hadmuu meel cidlaa iyo

Tagay haro an lo dirin???

Hubaal weeye ereyguye

Rabbi baa hidaayada

Garansiiya hilinkee

Heedhee garaadkow

Nabsi hore u jiray oo

Haaraantan reebiyo

Holac hore miyaa jiray??

Garan waayey hootadu

Dhanka ay ka huruddee

inan hoobalow sheeg????

Barkhad:

Damiirkaa hadlaayee

I dareemayow hoo

Hiyi kicisay laabtoo

Hogol iyo daruur iyo

Heegada dusheennaa

Iyo hanad dhibkii helay

Adigaa haleeloo

Ila garan hannaankee

Hilbahaygi baad tahay

Hebel ila damqada iyo


Ina hooyo wiiloo

Ila haajiraad tahay!

Hal abuurka maansada

Aan kuu hal celiyee

Harraadkani wuxuu yahay

Wax haleelay laabtoo

Hurgun iyo dhib badanoo

Jacayl hodana weeyaan!!

Qofka aan hankaygiyo

Hammigayga siiyana

Maaqaan hubaashii

Suu u heetinaayee

Waxa howd I geeyee

kali haro I seexsheen

hal abuurka maansada

ugu heesayaa waa

hani hoodaley iyo

nafta taan u hurayee

kalgacayl had jeer

ugu habayay kaligeed

baa howlo kale iyo

gashay heer an garanoo

kaligay halkiibaan



wali heesayaayoo

hibadii kalgacalkaan

hoosaasiyaayo

hogoshii jacaylkaan

wali hoorsadaayoo

kama harin wanaagii

axdigii ma heeryeyn

wacadkii ma hiifoo

waligay had iyo jeer

haniyeey halbowlaha

ayaad hoganaysaayee

kaalay hab isiiyoo

ila hano jacaylkaan

kuu hibeeyey gacalooy!

Hibadaydii wayneed

Iyo hoga tuskaygii

Hadday meel cidlaa

Aaday heer an loo dirin

Rabbi baa hidaayada

U hayee adoomaha

Allahayoow hanuunkiyo

Ina sii hannaan wacan

Hayaan iyo dhib baas iyo

Nafta holac ha siinine

Kaalay hab isiiyoo

Ila hano jacaylkoo

Waddankaaga hodankaa

Haqab li’I mushaaxoo

Kaalay gacalo honeyeey

Hareertayda joogoo

Ha hilmaamin wacadkii

Axdigii hanwaynaa

Heerkan marayniyo

Hammigeennu yuu burin!!!!!

Alla maxaad gabyaa tahay! Buu ku baraarugay markuu jalleecayba wuxuu garabkiisa ka arkay Hani oo soo ag fariisatay maqlaysayna maansadii uu marinayay. Way qoslaysaa oo farxad wayn baa ka muuqata, shaki baa ka galay nooca ay tahay farxadda ka muuqata waxyna ku tidhi “Gacaliye maanta wax aad dunida ugu jeclayd baan kuu wadaa” Haye ii soo sheeg macaanto buu ugu warceliyay, waxay tidhi

“Muxuu dhoof habeeyaa

Ama uu hagaajaa

Miyuu hanad kalkaalaa

Mise wuu hogeeyaa

Imisuu hog beeniyo

Haadaan ku tuuroo

Misna diinta hodankaa

Hareer mariyay gabigigood

Habeen iyo dharaartii

Gacaliye hannaankiyo

Hadalkaad I tiriyee

“Hayaan iyo dhib baas iyo

Nafta holac ha siinine

Kaalay hab isiiyoo

Ila hano jacaylkoo

Waddankaaga hodankaa

Haqab li’I mushaaxoo

Kaalay gacalo honeyeey

Hareertayda joogoo”

Ayaan haatan yeeloo

Heegadiyo muuqiyo

Dalka horumarkiisaan

Ka shaqayn hubaaloo

Hanfi iyo tahriib iyo

Aadi mayo holacee

Hareertaada iga eeg!

Honey waan ku jecelahay!

Barkhad dhakafaar baa ka soo haray! Mar wuxuu la yaabbanaa siday inantu u hal-abuurtay marna hannaankay ugu luuqaysay waxaase isku fuuqsaday waxaasoo dhan nuxurka ay xanbaarsanaayeen ereyadu ee tilmaamayey baaqashadeeda. Wuxuu u holladay inuu hadlo. Hadaba akhiriste hadaad adigu ahaan lahayd barkhad maxaad ku oran lahayd hani? Ama aad ugu jawaabi lahayd?

W/Q:- Fanax Fariid











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment