Maanta Oo Kale Waa Maalintii Anil Kapoor Uu Boxoffice-ka Ku Garaacay Salman Khan Iyo Walaalkiis Sanjay Kapoor

Bulsha:- Mararka qaar Boxoffice-ka loolanka ka dhaco lama hilmaamo wuxuuna reebaa hadal heen xoogan iyo faalo dheer oo mudo socoto.

Hadaba 20-sano ka hor maanta oo kale Anil Kapoor ayaa Boxoffice-ka ku garaacay Salman Khan iyo walaalkiis Sanjay Kapoor oo dhinac ah.

28-kii Febraayo 1997 waxaa tiyaatarada la isla saaray filimada Judaai iyo Auzaar waxayna ahaayeen labo filim oo kala duwan fariin ahaan Action iyo arimaha qoyska ayay ka kala hadlaayeen.

Filimka Judaai oo ay wada jileen Anil Kapoor, Sridevi iyo Urmila Matondkar waxaana la saaray 170-tiyaatar halka filimka Auzar oo ay wada jileen Salman Khan, Sanjay Kapoor iyo Shilpa Shetty waxaa la saara 175-tiyaatar.

Hadaba filimka Auzar ayaa maalinta kowaad keenay 49 Lakh halka Judaai uu keenay 30 Lakh sidoo kalena sedexda maalmood ee ugu horeesay Auzar wuxuu keenay 1.39 Crore sidoo kalena Judaai sedexdiisa maalmood ee ugu horeesay wuxuu keenay 1.14 Crore.

Sidoo kale todobaadka kowaad filimka Auzar wuxuu keenay 2.40 Crore halka filimka Judaai uu keenay todobaadkiisa kowaad 2.23 Crore.
Laakiin wax walbo waxay is badaleen marka todobaadka labaad la guda galay oo filimka Auzar meel cidlo ah looga tagay sidoo kalena siweyn looga awood badiyay.

Filimka Jadaai cimri ahaantiisa wuxuu keenay 14.09 Crore sidoo kalena Auzar wuxuu cimri ahaantiisa keenay 5.68 Crore taasi waxaa ka muuqato in Auzar siweyn dhulka loogu jiiday farqi ahaana dhanka lacagaha wax badan laga badnaa.

Judaai wuxuu noqday Super Hit halka Auzar uu noqday Flop sidoo kalena Judaai waxaa usoo daawasho tageen ama tikit u goosteen 13-milyan iyo 984,000 oo qof halka Auzar ay usoo daawasho tageen ama tikit u goosteen 5-milyan iyo 807,000.

Sidaa darteed maanta oo kale waa maalintii Anil Kapoor oo kaligiis ah uu dhulka ku jiiday Boxoffice-kana kaga awood badiyay Salman Khan iyo walaalkiis Sanjay Kapoor oo isku dhinac ah!!!!











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment