Arin Xiiso Badan: Aishwarya Rai Iyo Abhishek Bachchan Oo Markale Shaashadaha Dib Ugu Midoobi Doonaan

Bulsha:- Lamaanaha caanka ah Aishwarya Rai Bachchan iyo Abhishek Bachchan ayaa la sheegay inay markale kasoo wada muuqaan doonaan filim Bollywood ah.

Waxaa la sheegay in Aish iyo Abhi ay kasoo wada muuqan doonaan filimka Gulaab Jamun oo ay iska leedahay shirkada Phantom Films.

Abhishek iyo xaaskiisa Aishwarya ayaa ka heleen sheekada filimkaan markii lala wadaagay waxayna mada u ruxeen inay mashruucaan hogaamiye ka noqdaan.

Sidoo kale warbixin kale oo aan rasmi aheyn waxaa lagu sheegay in Amitabh Bachchan uu filimkaan kala soo muuqan doono wiilkiisa iyo gabadha uu sodaga u yahay.

Aishwarya Rai iyo Abhishek Bachchan waxaa isugu dambeesay filim ay kasoo wada muuqdaan sanadii 2010 waana filimkii Raavan kaasi oo guul dareestay.

Hadaba labadaan lamaane ee awooda badan wada shaqeyntooda cusub ma noqon doontaa mid saameyn weyn la imaado…










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment