10 Arimoo kuu Suura Galineysa in aad Xulato Ruux kuu Qalma oo Kula Qeybsada Nolasha

Bulsha:-  Nolosha adduunka ee qadhaadhka iyo macaanka iskugu lifaaqani waxa ay ku qurux badantahay dabbaalashadeedu adiga iyo wehel kuu qalma oo aad is heshaan. Ha noqdo wehelkaasi mid xagga uu doono ka soo jeeda sida xaas/say, saaxiib, walaal ama wax kale oo u dhigma.

Si aad u dhadhansato dheef wax ku ool ah marka ay kuu ahaato, waa in aad heshaa ciddii ku dareensiin lahayd ee kula damaashaadi lahayd, kulana qaybsan lahayd farxadda iyo wanaagga aad dareemayso ee noloshaada ku soo kordhay. 

Haddii aanay ciddaasi jirin oo ay farxaddu kugu kaliyaysato dhadhan iyo dheef kuu yeelan mayso, dareen iyo dabuubux midna kugu reebi mayso. Dhinaca kale, noloshu kama soo hadho in aad hesho wehel kula qaybsada diihaalka adduunka.

Sida aad u wanaagsantahay ayuun bay dhib adduun hab kugu soo odhanaysaa, illayn waa adduun oo waa hadhkaa labadiisa galin’e. Marka ay taasi timaaddo waxa aad u baahantahay mid ku garab is taaga hiil iyo hooba, ku dejiya oo dhibta kula qaysada, kuu hagarbaxa oo kuu hura naftiisa.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment