Bulsha:- Atirishada caanka ah Katrina Kaif ayaa dib ugu soo laabatay si lama filaan ah gudaha Hindiya xili ay kasoo tagtay dalka Austria oo ay filimkeeda Tiger Zinda Hai ku duubeesay.
Katrina Kaif oo kasoo dagtay Airport-ka Mumbai ayaa sawiro laga qaaday xili ay kaligeed mana uusan la soconin Salman Khan ama qof ka mid ah kooxda filimka TZH ee dalka Austria isla joogeen 12-kii maalmood ee ugu dambeesay.
Katrina Kaif in badan shaqada filimka TZH kama qayb qaadanin waayo xidigtaan dhaawac dhanka dhabarka kasoo gaaray xili ay filimkeedii Jagga Jasoos duubeesay ayaa u diiday inay shaqo adag qabato.
Katrina waxay la sheegay inay Mumbai dib ugu soo laabatay si dhaqtarkeeda gaarka ah ula kulanto madaama xidigtaan weli dhabarka dhibaato ka sheeganeyso.
Salman Khan iyo kooxdiisa filimka TZH ayaa duubistooda sii wadan doonaan waxayna u rajeyeen soo kabasho wacan Katrina Kaif oo atirisho kowaad ka ah filimkaan sida weyn loo wada sugaayo lana daawan doono 21-ka December 2017.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment