Bulsha:- Atirishada caanka ah ee Bollywood-ka ka tirsan Huma Qureshi ayaa todobaadkan lagu casuumay xaramada Qaramada Midoobe (United Nations) ee magaalada New York dalka Mareekanka ku taalo.
Huma Qureshi ayaa ka qayb gashay barnaamij looga hadlaaya Haweenka iyo doorka ay ku leeyihiin saxaafada iyo sida sinaanta fursadaha shaqo labada jinsi ugu siman.
Huma Qureshi waxaa lagu sharfay inay saxaafada la fal gasho ayadoo xarunta UN-ka ku sugan madaama ay tahay haweeney cod kar ah sidoo kalena fikrado kala duwan goobta kasoo jeediso.
Huma Qureshi dhinaca shaqada filimkeedii ugu dambeeyay Jolly LLB 2 oo ay Akshay Kumar la sameesay soona baxay bilawgii bisha Febraayo ee sanadkaaan Hit weyn ayuu noqday.
Sidoo kale xidigtaan waxay shaaca ka qaaday in filimkeeda xiga Dobaara oo ay isla jilayaan Saqib Saleem la daawan doono 19-ka May 2017 waana filim cabsi ah.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment