Bulsha:- Gabadha heesaaga iyo jilaaga caanka isku ah Jennifer Lopez ayaa waji gabac caruurteeda kala kulantay kadib markii ay weydiisteen inay u sameyso jadwal ay waqti kula qaadaneyso.
Jennifer Lopez labadeeda cruur mataanaha ah sidoo kalena 9-jirka ah Max iyo Emme ayaa ka niyad jabsan in hooyadeed ay waqti u weysay aduunyo kalena ku mashquushay.
Jennifer Lopez oo 47-jir ah waxay tiri “Caruurteyda ayaa todobaadkan iga codsadeen inaan kulan la qaato waxayna iga dalbadeen inaan soo dajiyo waqti aan iyaga siiyo madaama mashquuleyga batay”
“Caruurteyda waxay doonayaan inaan waqti tayo wanaagsan la qaato waana arin ay xaq u leeyihiin anigana waa inaan dib u saxaa jadwalkeyga an fadhinin oo shaqada la saaxiibka ah”
Dabcan Jennifer Lopez mashquulkeeda waa inay jadwal u dagsataa sidoo kalena farxada caruurteeda ka taliso marba hadii caruurteeda ka dalbadeen inay waqti wacan la qaatado hawlaheedana ay xadeesato.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment