Buurnida Iyo Dhuubnida Badaniba Waxa Ay Halis Ku Yihiin Dhalmada Dumarka, Bal Akhriso Sababtu Maxey Tahay??

Bulsha:-Daraasad caafimaad oo cusub ayaa ka digtay in baruurta ama miisaanka badani uu qiyaas kala badh ah yareeyo rajada Dhalmo ee gabadha. Sida ay sheegtay khubarada samaysay cilmi baadhistani, celceliska rajada laga qabo in gabadha buurani ay uur qaaddaa waxa ay kala badh ka yar tahay inta laga qabo gabadha da’ ahaan iyo caafimaad ahaan la midka ah ee miisaankeedu dabiiciga yahay.

Cilmibaadhistan oo khubarada samaysay ay ka tirsan yihiiin Jaamacad uu leeyahay cisbitaalka wayn ee Queen Elizabeth oo ku yaalla dalka Ingiriiska ayaa muujisay in 60% (Boqolkiiba Lixdan) Dumarka Miisaankoodu uu caadiga yahay marka loo eego kuwa aadka u buuran ay ka rajo badan yihiin saadaal ahaan xaga Uurka. Sidoo kale waxa ay sheegeen in dumarka aadka u dhuuban qudhoodana ay yartahay rajadooda dhalmo.

Khubaradani waxa ay nuxurka daraasaddooda ku soo ururiyeen in Miisaanka badan ama dhuubnida badani ay khalkhaliyaan Dheecaannada (Hormoonno) dhalmada iyo Dhiiga caadada isla markaana ay daciifiyaan awoodda ugxaanta ee dumarka taas oo la’aanteed aanu suurto galayn Uurku.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment