Kusoo Dhowaada Maqaal Cusub Sheeko Cusub: Aqriste Waxaan Bilaawney Barnaamij Cusub Oo Taxane Inoo Ahaan Doono Kafaaideysi Wacan Qeybtii 1-aad Sheekadii Dalal Iyo Bilan!

Bulsha:- Aqriste waxaan idin la wadaagena sheeko dhab ah oo dhacday waliba Kudhacday dad Soomaali ah, waxaana aalab taxanahan idiin la wadaagi doona habeenada kala ah, habeenka Jimco soo galeysa sida caawo kale habeen Isniin soo galeysa iyo waliba habeen Arbaco soo galeysa halkaan aalaba kaga bogo.




Dunideenu waa yaab badan tahaye, waxaa dhacday gabar labaatan sano jirta oo Bilan Aw Jaamac la yiraahdo, inay maalin maalmaha ka mid ah sannadkii toddobaatan iyo siddeeddii ari ku ilaalineysay goor barqo ah deegaanka u dhexeeya magaalada Jigjiga iyo Wardheer.

Bilan, sidey arigii ula joogtay, bey waxay soo dul joogsatay haro xareed qabow ah, wax kale ma sameyne intay hareeraha iska eegtay, ayey dharkii iska dhigtay oo haradii ku gashay garbasaarteedii khafiifka aheyd oy guntatay keliya, halkaasey intay biyihii harada dhexdeedii ku laba legdeysay sidii aanay waxba ka maqneyn hadba hees qaadday, oo marba si isu rogrogtay.

Bilan ma ahayn nafleyda keliya oo harada ku raaxeysaneysay, ee shimbiruhuna farxad iyo ladnaan ayey hadba codad kala geddisan la waq-waq-wis-wiis lahaayeen. Rahuna dhaqan ha ka ahaatee, markuu dhergo reynreyn ayuu la dha-dhaa lahaa.

Gedigood nafleydaas harada joogay, ha ahaato mid qadhaab ka soo dhergey, ama mid sidiisa u faraxsan, nolol adduunyo iney u dhan tahay u ahayd, khaas ahaan Bilan sidey dunida keligeed leedahay ayey cabsi iyo werwer la’aan, marba si u dabbaalatay, marey jirjirka u dabbaalato, iyo marey hadba dhinacyeyso iyo marey hadba hoos u muquurto.

Bilan, waxay ka dhalatay qoys reer guuraa ah, oo Soomaali ah, aabbaheed iyo hooyadeedna waa nooleeyeen, waxayna walaalo ahaayeen gabar ka weyn oo beryahaas la aroosay iyo labo wiil oo kan ugu yari qoyska yahay saddex sano.

Aw Jaamac, Bilan aabbaheed, wuxuu ahaa wadaadka beelaha meesha dega, oo aad looga dambeeyo, carruurtiisana diinta Islaamka si fiican u baray, khaas ahaan Bilan soddonka jis ee Quraanka xaafid bey ku ahayd, edebteeda iyo hab dhaqankeeda gabadheedna beesha aad baa looga kuunyi jirey, aabbaheedna waa addeeci jirtay, wuxuuna had iyo jeer ugu ducayn jirey, “Ilaahow Bilan meel roon mari, oo rug wanaagsan deji, qayrkeedna dhaafi.”

Maalintaas ay harada ku dabbaalaneysay, malaa’igta iyo lama arkaanka nololeed ka sokow, waxaa muuqaalkeeda iyo jidhkeeda qurxoon nasiibsaday inuu si buuxda u daawado inan Dalal Cumar la yiraahdo oo isna Soomaali ah oo si kedis ah harada usoo dul joogsaday, iyadoo aan arkeyn.

Dalal Cumar, oo siddeed iyo labaatan jir ah, wuxuu ka tirsanaa isla beelaha meesha deggan, wuxuuna ahaa inan madi ah, gabdho walaalo ahna aan lahayn, hooyadii iyo aabbihiina dhinteen isagoo yar, hase ahaatee, wuxuu la joogay adeerkiis oo xoolo badan leh, soona koriyey.

Dalal intuu ka il horreeyey Bilan, ayuu dharkeedii ka hoos qaaday geedkay hoos dhigtey, oo meel ku qariyey. Dabadeedna intuu dib u soo beerdhigaaleeyey ayuu hoos jiifsaday geedkii uu dharkeeda ka qaaday, si uu riwaayadda ay dhigeyso uga daawado.

Dalal, meelaan ka fogeyn harada ayaa geeloodii u daaqaayey, si fiicanna uma garan gabarta meesha ku dabbaalaneysa, hase ahaatee tilmaamaha uu quruxdeed ka heystay, iyo sheekooyinka uu ka maqlay cidaha, waxuu malihiisii siiyey inay tahay Bilan Aw Jaamac.

Run ahaantii iskuma taxalujin garashadeeda ee waxuu jeclaystay daawashadiisa ay hadba meel muujineysay. Mar waxaaba ku soo dhacday inuu dharka intuu iska dhigo harada la galo, haddana intuu is qabtay ayuu isku yiri, Bal sii yare daawo, sidaanay ku macaan tahay.
Bilan waxay hadba hab u dabbaalato, oo meel walac ka siiso, maruun bey danniday in la weheliyo, markaasay intey xaggiisa u soo dabbaalatay ku soo dhowaatay oo wax eeg eegtay. Waxbase mey arag, maxaa yeelay beerkuu dhulka ku dhejiyey. Halkaasey halkeedii dabaashii ka wadday iyadoo marba doc isu rogrogeysa, marna xagal isu teegeysa.

In cabbaar ah markay sidaas u dabbaalaneysay, ayey haradii ka soo baxday, soona beegtay xaggiisii oy dharkeedii ku ogeyd, iyadoo biyihii ka da’ayaan, caado ha ka ahaatee qunyar socodku, ama markaas heys yeelyeeleysee, waxay xaggiisii soo beegtay iyadoo tallaabo talantaali ah, oo hab iyo xarrago leh, si habsami ah u dhigeysa, timaheedii dheeraana hadba intey madaxa weyraamiso biyaha ka shax shax siineysa.

intaa kadib waxay si kadis ah ku aragtay nin beerka u jiifa taaso aad oga nixisay Bilan.



 F.G: lasoco Qeybta xigta waa sheeko xiiso leh oo taxane inoo ahaan doontowaana qiso dhab ah oo dhacday.sido kale waad nala wadaagi kartaa fikirkaada ku saabsan shekadan cusub.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment