Bulsha:- Fannaanadda caanka ah ee reer Mareykan Jennifer Lopez ayaa lagu soo waramayaa inay boorsooyinka kala qaateen Aubrey Drake Graham oo loo garan ogyahay Drake kaasoo ah fannaan u dhashay dalka Canada.
Jennifer Lopez iyo Aubrey Drake Graham ayaa waxaa la fahamsanaa inuu xiriir jaceyl ka dhexeeyo dhawaanahaan, mana aysan wax ay ka qarsadeen saxaafadda. Hal hees ayeyna si wadajir ah u duubeen.
Balse keliya laba bilood ayuu jiray xiriirkooda jaceyl, xiddigahaan ayaana kala haray, majaladda US Weekly ayaana sheegeysa inuu xiriirkoodu haatan soo dhammaaday.
Si kastaba ha ahaatee, warar hoose oo la helaayo ayaa sheegaya inuu Drake isku deyi doono inuu qanciyo Jennifer Lopez oo ay dib u mideeyaan jaceylkooda marka uu kasoo laabto safar fanneedkiisa Yurub.
Horraantii Isbuucaan ayaa farriin ay Lopez soo dhigtay akoonkeeda Instagram waxaa laga dhedhensan karay inay kala hareen Drake, iyadoo soo qortay: “Wax walba waqti ayey leeyihiin. Haddii ay qoran tahay inay dhacaan waa ay dhici doonaan, waxayna ku dhici doonaan sababaha saxda ah”.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment